Shaqaalaha Jaamacadaha Puntland oo cashuur laga qaadayo

Image
Image
Image
Image

December 17, 2014 (GO)- Kulan looga hadlayey cashuur lagu soo rogey shaqaalaha jaamacadaha ayaa maanta ka dhacay xarunta Wasaaradda Waxbarashada Puntland ee magaalada Garowe.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Cabdixakiim Cabulaahi Cumar (Camey), Wasiirka Maaliyadda Shire Xaaji Faarax iyo qaar kamid ah maamuleyaasha jaamacadaha ku yaalla Puntland.

Wasiir Shire oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sharraxaad ka bixiyey cashuuraha lagu soo rogey shaqaalaha jaamacadaha iyo ujeedada laga leeyahay.

Wuxuuna sheegay in jaamacaduhu kamid yihiin hay'adaha ay shaqaalahoodu mushaharaadka fiican qaataan dowladuna go'aansatey inay cashuur ka qaaddo si dakhliga dowlada loo kobciyo.

Lix boqolkiiba mushaharka shaqaalaha jaamacadaha ayuu sheegay in dowladdu u qoondeysay in cashuur ahaan looga qaado.

Dhanka kale Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Maxamuud Xaaji Yuusuf oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in shaqaaluhu awood u lahayn inay bixiyaan xaddiga cashuurta dowladdu dul saartey.

Dowladda wuxuu ka codsaday inay arintaas dib ugu noqoto iyadoo qiimeynaysa xaaladda dhaqaale ee dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka oo isagu kulanka soo xiray ayaa lagama maarmaan ku tilmaamay cashuurta isagoo ku booriyey dhammaan qaybaha bulshada inay bixiyaan.

Waa markii ugu horeysey ee cashuur lagu soo rogo shaqaalaha jaamacadaha Puntland ka hawlgala oo badankoodu Soomaali ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM