Shaqaale ka tirsan wasaaradda maaliyadda Puntland oo tababar loo xiray [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

28 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe caasumadda Puntland lagu soo gaba gabeeyay tababar todobaad u socda saraakiil ka socotay wasaaradda maaliyadda Puntland.

Aqoon isweydaarsigan oo ay bixinayeen khubaro ka socota wasaaradda maaliyadda Somalia, ayaa ku aadanayd is dhaafsiga aqoonta laga helay Banka adduunka oo looga faa'iidaynayay xubnaha ka socday wasaaradda maaliyadda Puntland.

Xiritaanka tababarkan waxaa ka soo qayb galay ku-xigeenka Madaxweynaha Puntland, wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo marti sharaf kale, waxaana intii uu socday diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan kor u qaadida mashruuca bixinta mushahaaraadka iyo dib u dhiska dalka.

Barnaamijkan waxaa sidoo kale ka qayb galay xubno ka socda wasaaradaha waxbarashada iyo caafimaadka Puntland oo la tilmaamay in hawshani khusayso.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Puntland Cabdullaahi Sheekh Axmed, ayaa xusay in mashruucan Somalidu ka faa'iidaysato, maadaama hormar u horseedayo.

Ku-xigeenka madaxweynaha Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay ka qayb galka shirkan, waxaana uu xusay inuu had iyo jeer qolyaha ajnabiga ka codsato waxyaabaha shacabka ku hormarinayaan inay ka dhigaan kuwa dani ugu jirto bulshada.

Tababarkan ayaa imaanay xilli Banka adduunku Somalia ka wado hormaro kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM