"Sharciga Batroolka wuu dhaawacan yahay, Puntlandna ma aqbaleyso"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxamuud Mashruuc, oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u duray sharciga Batroolka oo goluhu "meelmariyey" Isniintii, 6-dii Janaayo, 2019.

Senator-ka oo fadhiga kadib u waramay warbaahinta ayaa xeerka ku tilmaamay "mid aad u dhaawacan" kuna ku jiraan qodobo "halis ah" isla markaana "u baahan wadatashiyo dheeraad ah".

Wasaaradda Batroolka ayuu ku eedeeyay "ku tamashada xeer-hoosaadka Aqalka Sare iyo Dastuurka Soomaaliya maadaama ay mooshin ka diyaarisay mudaneyaasha sixi lahaa khaladaadka ku jira sharciga".

"Mooshinkan siyaasadeysnaa" ayaa ahaa in xubnaha aysan waxba ka bedelin xeerkan kuna ansixiyaan sidii uu Aqalka Hoose ku ogolaadey, bishii May 2019-kii.

Mashruuc, oo ah gudoomiye ku xigeenka Guddiga Kheyraadka ee Senate-ka Soomaaliya, ayaa ansixinta sharciga Batroolka ku sifeeyay "mid sharci darro ah".

"Sharcigaas aad iyo aad ayuu u dhaawacan yahay, wuxuu ka dhaawacan yahay meelo badan oo Dastuuri ah oo Aqalka Sare uu fursad u helay in uu ka saxo laakiin olole siyaasadeed, baaxad weyn intii la galay baa waxaa la sameeyay xeer-hoosaadkii Aqalka Sare ayaa lagu tuntay, waxaana loo gudbay in la yiraahdo akhrinta saddexaadna isla maanta [Isniintii] hala qabto, taasoo ka hor-imaaneysa xeer-hoosaadka," ayuu yiri.

Sidda uu xeerinayo xeer-hoosaadka, hindise-sharciyeedka ayaa la marsiinayaa saddex akhrin kahor inta aan cod loo qaadin, iyaddoo fadhi walba mudaneyaasha ka doodayaan wax ka bedelna ku sameynayaan.

Senatorada dowladda Puntland ku metela Aqalka Sare ayaa gabi ahaanba isaga soo baxay fadhigii Isniinta "maadaama qaabka ay wax ku socdaan ay tahay mid sharci darro ah," sidda uu tibaaxay Mashruuc.

Maxaa "ka qaldan" sharciga?

Sidda uu ka dhawaajiyey Senator Mashruuc, sharcigan waxaa ku jira "waxyaabo badan oo khatar ku ah hantida Qaranka Soomaaliyeed oo Guddiga Kheyraadka Aqalka Sare isku dayey in uu wax badan ka saxo".

"Qodobka ugu muhiimsan ee laysku dayey in wax lagu boobo baan rabaa in aan la wadaago Ummadda Soomaaliyeed. Muxuu yahay?," ayuu xusay, isagoo intaas raaciyey "Awooda saxiixa heshiisyadda Batroolka, sharcigan hadda la keenay, waxa uu siinayaa wasiirka oo kaliya".

Iyagoo kaashanaya sharci-yaqaano Soomaaliyeed, Guddiga Kheyraadka Aqalka Sare, ayaa waxay isla qaateen in arrintaasi ay "qalad tahay".

"Aduunka oo dhan, sharci kasta oo Batrool ama heshiis kasta oo Batrool waxaa ansixiya baarlamaanada ay leeyihiin, marka laga reebo Soomaaliya oo hadda wax cusub bilowday," ayuu tilmaamay.

Wuxuu ku daray: "Heshiis balaayiin Doolar in la yiraahdo wasiir kaliya ayaa iska leh, oo la yiraahdo maanta hanoola ansixiyo isla maanta akhrinta labaad maanta hala mariyo, arrintaas wax dalka Soomaaliyeed iyo hantidiisa u qalanta maahan".

Dalbka Farmaajo

Qodobka labaad ee "khatarta leh" ee ku jira sharciga ayaa ah in shirkad kasta "xitaa kuwa qawleysatada ah" oo aan la aqoon sooyaalkooda la siin karo xirmooyin shidaal.

Farmaajo ayuu tartarsiiyey in uusan saxiixin shariga, tixgeliyana qodobada ay soo jeediyeen Guddiga Kheyraadka ee "sidda sharciyadda ah is-hortaaga loogu sameeyo laguna meelmariyey qaabka boobka ah".

"Puntland oo xubin ka ah federaalka Soomaaliya, mowqifka ah waxa maanta ka dhacay [fadhiga], waa u mideysan tahay siyaasiyan, mana ogola mana aqbalayaan siduu sharcigaas ku gudbay," ayuu qiray.

Ugu dambeyntii, Mashruuc oo carabka ku adkeeyay in sharcigaas uu u baahan yahay wada-tashi dheeraad ah ayaa ku nuux-nuux saday in kheyraadka Soomaaliya ay muhiim tahay lagu soo saaro nidaam sharci ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM