Shilalka Gawaarida oo kusoo batay Puntland [Sababta]

Image

GAROOWE, Puntland- Shilalka ka dhasha baabuurta ee sababa dhimashada iyo dhaawaca ayaaa muddooyinkii dambe sare u kacay gudaha deegaanada Puntland, taasoo loo aanaynayo arrimo kala duwan.

Saq-dhexe xalay 28-kii November, 2017 waxaa duleedka magaalada Garoowe ka dhacay shil gaari oo sababay dhimashada saddex qof oo rag ah iyo dhaawaca labo kale.

Shilkan waxaa uu ahaa kii ugu dambeeyay dhacdooyin noocaan oo kale ah oo ay ka dambeeyaan isku dhaca Gaawaaridaha ama rogmashada kuwaasoo ka dhacayay gudaha magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyo Laamiga dheer intaba muddooyinkii dambe.

Mashaakilkan oo ay ka dharagsanyihiin shacab iyo dowladaba, waxaa baaritaan uu sameeyay Warsidaha Garowe Online ku ogaaday inay ka sababayso; Aqoon yari haysata darawaliinta Gawaarida, Xawaaraha lagu kaxeeyo baabuurta oo aad u sareeya, Bur-burka jidadka, Habacsanaan ka jirta laamaha amniga waddooyinka.

Arrimahan ayaa safka hore kaga jira waxyaabaha keenay in Puntland ay kusoo siyaasadaan rogmashada baabuurta taasoo waxyeello kasoo gaarto dad shacab ah.

Taasi waxaa ka marag kacay Taliyaha ciidamada wadooyinka Puntland, Axmed Cabdil Cali, oo goor sii horaysay isagoo la hadlayay Radio Garowe sheegay inaysan awood u lahayn wax ka qabashadan arrintan.

"Xaqiiqada aniga ku sheegaya shaqada noo taal ee gaadiidka ee dalka taal iyo ciidamada aan ku howl galno ayaan iskeeni karin," ayuu yiri Axmed Cabdi Cali oo intaas ku daray in dowladda Puntland ka dhago adaygtay sidii loo tayayn lahaa islamarkaana loo qalabayn lahaa ciidamadanka Taraafikada. Halkan ka Dhagayso

Iyadoo ay taasi jirto hadana waxaa muuqata in gaadiidka dadweynuhu isticmaalo gaar ahaan kuwa raaxada uu aad ugu soo badanayo Puntland, waxaana mararka qaar aad arkaysaa saxmad ka jirta Waddooyinka muhiimka ah, iyadoo aysan jiro Jidad la'aan ee dhibaatadu tahay Isticmaalka Khaldan ee baabuurta.

"Mararka Qaar aad baan u dhibsadaa inaan isticmaalo Laamiga dheer, sababtu wax kale ma ahan waxaad arkaysaa wadada oo xiran adoo ka daahsan goobta shaqada, sidoo kale waxaad u cabsanaysaa baabuurka oo mararka qaar qof aan darawal ahayn ayaa baabuur soo kaxaysanaya, mid kale si khaldan ayuu jidka u goynaya ama kuu dhaafaya," sidaas waxaa yiri mid kamid ah dadka baabuurta ku dhex-wata Garoowe oo la hadlay GO.

Taloobyinkaan khaldan ee wadista baabuurta ayaan wax ka weydiinay qaar kamid ah dadka kasoo laabtay Qurbaha, waxayna aaminsanyihiin inaysan halka gaari ku kaxaysan karin.

"Suurto gal ma ahan shakhsiyan inaan halkan gaari ku kaxaysto, waan la yaabanahay nidaamka gaawaarida loo wato, waddanka waa hormaray si wanaagsan ayay xadaaradi uga jirtaa laakiin in sidaan sharciga wadooyinku noqdo ilama qurux badna," sidaas waxaa GO u sheegay Khadar Yasin oo kamid ah dadka kasoo laabtay Qurbaha gaar ahaan dalka Ingriiska.

Qaar kamid ah shacabka ku nool Garoowe oo aan wax ka weydiinay aragtidooda ku aadan habka isticmaalka baabuurta ayaa sheegay inay dhibaato weyn ku qabaan, gaar ahaan waqtiyada uu yimaado Qaadka.

"Tiro malahan inta qof ee sababsaday shilalka baabuurta, waxaa ugu daran xilliga Qaadku yimaado, waxaa sidoo kale lamid ah Jaadwalayaasha basaska gaar ahaan waqtiyada ay qaadayaan Ardayda dugsiyada sare."

Qayabaha kala duwan Bulshada ee la hadlay Garowe Online ayaa dowladda ka codsaday inay wax ka qabato dhibaatada baabuurta oo ay ka shaqaysiiso sharciga fadhiidka ah ee isticmaalka wadooyinka islamarkaana shuruudo adag ku xirto qofkii wadaya gaadiidka si looga hortago khasaaraha nafeed ama maal ee ay gaysanayaan.

Bishii 5aad ee sannadkan, golaha wasiirrada Puntland ayaa shirkooda khamiislaha ah ku sheegay inay wax ka qabanayaan shilalka baabuurta, balse ilaa hadda ma muuqato wax tallaabo ah oo ay dowladdu qaaday.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM