Shirar ka socda Boosaaso iyo ciidamo Ilaalo ah oo isku dhacey

Image

BOOSAASO, Puntland - Magaalada Boosaaso caasimada ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa waxa ka socda kulamo u dhexeeya Guddiga Nabad galyada dhowaan shaqada ka joojiyey Taliyaha qaybta  Booliska Barri iyo Wasiiro ay madaxda sare ee Dowlada kasoo dirtey magaalo madaxda.

Kulamada oo ilaa maanta socdey baa ilaa hadda wax guul ah laga gaarin iyadoo Guddiga Nabad galyada gobolka diidan yihiin in shaqada dib loogu celiyo Taliyaha qaybta. 

Guddiga Nabad galyada ayaa diidey in wax wadahadal ah la galo g’aankii shaqada looga joojiyey taliyaha qaybta.

Guddiga Madaxweynaha Puntland u soo xilsaarey iney wadahadal la galaan dhinacyada Boosaaso ayaa sida GO fahansan yahay waxaa uu ka kooban yahay Wasiirka amniga Puntalnd, Wasiiru dowle iyo Taliye ku xigeen Booliska kuwasoo la sheegey iney  Cadaadis saarayaan Wasiirka dekadaha, Taliyaha ciidamada Asluubta, gudoomiyaha gobolka, gudoomiyaha degmada, la taliyaha madaxwehnaha xagga amniga iyo taliyaha xabsiga dhexe ee Boosaaso iney dib uga noqdaan go’aankooda.

Waxaa jira kulan kale oo ay u balansan yihiin guddiga Nabad a galyada gobolka iyo odayaasha gobolka Barri.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ku sime Madaxweyne ah ayaa wararku sheegayaan in go’aanka guddiga Nabad galyada uu diidey isagoo wararku sheegayaan in Cabdiweli Gaas ay isla og-yihiin.

Waxaan horey u fiicneyn xiriirka u dhexeeya Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Wasiirka dekadaha iyo Gudoomiyaha gobolka oo dhinac ah. 

Dhinaca kale saaka waxaa magalaada Boosaaso isku  dhacey ilaalada taliyaha qaybta shaqada laga joojiyey iyo Wasiirka dekadaha Siciid Maxamad Raage.

Is-raasaaseyntaan ayaa la sheegaya inuu ku dhaawacmey taliyaha ilaalada Wasiirka, lama oga dhaawacaan inuu fudud yahay iyo in kale.

Taliyaha qaybta shaqada laga joojiyey ayaa waxay isku jifi hoose yihiin Madaxweyne Gaas isgaoo ku dhowaad inta uu xilka hayey ku ilaalinayey shaqadaan xilli cabashooyin badan ka imaanayeen dadka magalada Boosaaso  iyo madaxda gobolka kuwasoo ku eedyenaya in uusan shaqadiisa gudaneyn islamarkaana ku takri falayo awood uusan laheyn.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM