Shirka Maalgashiga Puntland oo si rasmi ah uga furmay Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Shirka Maalgashiga dowladda Puntland ayaa Axadda maanta ah waxa uu si rasmi ah uga furmay magaaladda caasimadda ah ee Garowe.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo daah-furay shirka ayaa waxa uu soo dhaweeyay martida kala duwan ee ka qeybgaleysa madashan oo socon doonta saddex casho.

Shirka ayaa waxaa ka qayb-gelaya Maalgashadayaal caalami ah oo ajaaniib ah, Ganacsato Soomaaliyeed, siyaasiyiin, Hay'addo caalami ah iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad iyo labaad ee Golaha Wakiilada iyo xubno kale ayaa kasoo muuqanaya.

Hal-ku-dhiga shirka oo ah "Balaari ganacsigaaga oo maalgesho Puntland" ayaa waxa u jeedkiisu in aduunka loosoo bandhigo fursadaha maalgeshi ee ka jira Puntland.

Mudada ay furan tahay madasha ayaa waxa jiri doona doodo lagu gorfeyn doono fursadahaasi iyo qaababka ugu wanaagsan ee maalgeshi loogu sameyn karo.

Xukuumadda oo diyaarisay sharciga maalgeshiga ayaa fileysa in shirkan uu Puntland kusoo jeediyo indhaha caalamka, loogana maarmo kaalmo dibada ah.

Faa'iidooyinka la rajeynayo in laga dhexli doono shirka ayaa waxaa kamid ah shaqo abuur ay helaan dhalinyaradda iyo kobac dhaqaale oo uu maamulkan ku talaabsado.

MUUQAALKA SHIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM