Shirkad gaar loo leeyahay oo ruqsad loo siiyey ilaalinta xeebaha PL

Image

BOSASO, 21 April,2015 (GO)- Xaflad lagu qabtey dekadda magaalada Bosaso ayaa lagu soo bandhigey shirkad gaar loo leeyahay oo la sheegey iney bilaabeyso ilaalinta xeebaha  Puntland.

Xafladaan ayaa waxaa kasoo qayb galey wasiirka kalluumeysiga Puntland, Gudoomiyaha gobolka Bari, Gudoomiyaha degmada Bosaso, saraakiil ciidan oo uu hogaaminayey taliyaha qaybta booliska gobolka Bari iyo madaxa shirkadaan Cabdiweli Cali Taar.

Shirkadan oo lagu magacaabo Somali Security Service (SSS) ayaa madaxeeda Cabdiwlei Cali Taar sheegey iney ku caawineynayaan Wasaaradda Kaluumeysiga Puntland markab ka qayb qaadan doona ilaalinta xeebaha.

Madaxa shirkadan ayaa sidoo kale sheegey in tallaabadan ay ka dambaysay kadib markii Madaxweynaha Puntland bulshada ugu baaqay isku tashi sidoo kalana sheegay in masiibo qaran ay ku socoto xeebaha Puntland oo si sharci dara ah lagu guranayo khayraadkeeda.

Shirkada SSS iyo Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland ayaa howl galkan iska kaashaday iyagoo sheegay in la soo kordhin doono Maraakiib iyo doonyo lagu ilaaliyo xeebaha Puntland oo lagu hayo xaalufin horayna uga digay madaxweynaha Puntland oo sheegay in masiibo qaran tahay.

Cabdiweli Cali Taar oo horey madax uga ahaa shirkad gaar loo leeyahay taasoo lagu magacaabi jirey SOMCAN ayaa heshiis noocan ah la gashey dowladdii AHN Madaxweyne Cabdullahi Yusuf, shirkaddaas waxaa ciidamadeeda hoggaamin jirey, Cabdixakiim Yuusuf Xuseen oo xilligan ah taliyaha ciidamada booliska gobolka Bari.

Ciidamada Badda Puntland "PMF" waxaa la aasaasey sanadkii 2010, kadib markii degaannada Puntland masiibo qaran ku noqotey burcad badeedku. Dhismaha ciidanka badda waxaa dowladdii Madaxweyne Cabdiraxmaan Farole ka caawiyey wadanka Imaaraadka Carabta.

Talaabadaan ayaa waxey shaki galineysa shaqada ciidamada badda Puntland oo saldhigyo ku leh magaalooyinka Bosaso, Isku-shuban, Baargaal iyo Eyl kuwasoo hawlo muhiim ah ka qabtey la dagaalanka burcad badeedka.

Shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay oo sheegta iney ilaalinayaan xeebaha ayaa heshiisyo kala duwan la galay dowladihii Puntland ka arrimaniyey intii u dhexsay sanadihii 1998-2008 kuwasoo aan ku guuleysan iney ka hortagaan kalluumeysiga sharci darrada ah halka kuwa kalena ciidamadii ay tababareen ka mid noqdeen burcad badeedkii Puntland kadib markii heshiisyadii ka dhamaadeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM