Farmaajo oo Hadiyad lagu gudoonsiiyay Qardho [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland - Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahadceliyay sida milgaha leh ee loogu soo dhaweeyay magaalada Qardho, ee xarunta gobolka Karkaar, oo shalay safar dhanka lugta ah ku tagey.

Farmaajo ayaa uga mahadceliyay reer Qardho qaabka ay ugu muujiyeen niyad wanaaga, wuxuuna sheegay in dadweynaha ay u soo baxeen sidii 8-dii February, markii uu ku guulestay doorashada.

Intaasi ka kadib, Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ay ku wehliyeen Madaxweyne Farmaajo, Wasiiro, Xildhibaanno, Saraakiil iyo Siyaasiyiin ayaa waxaa soo dhaweyn diiran u sameeyay Boqor Burhaan.

Boqor Burhaan oo la hadlay saxaafadda intii ay socotay dhaweynta ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo sidii looga saari lahaa dhibaatooyinka hadda haysta, isagoo baaq u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Boqor Barhaan ayaa ugu baaqay Madaxweynaha in dowladdiisa ay sameyso dib u heshiisiin dhab ah, si ummada Soomaaliyeed dhaawacyadii kasoo gaarey colaadda looga bogsiiyo.

Dhanka kale Boqor Burhaan kula dardaarmay Farmaajo in si siman gobollada dalka loogu qeybiyo mashaariicda loogu deeqay Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo sida ay u kala weyn yihiin gobollada.

Boqor Burhaan ayaa Madaxweye Farmaajo Gudoonsiiyey FARAS, cimaamad iyo Go' Shaal ah, si waafaqsan hab-maamuus u yaalla Boqortooyadda.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Puntland oo soo billaabatey Axadii lasoo dhaafay, 7-dii January ayaa maraysa heer gabo-gabo ah, waxaana la filayaa inuuu tago Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha uu booqasho ku tagi doonaa qaar kamid ah gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan deegaanada Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Maalgelinaysa Mashruuc AfDB oo ay Siyaasadeysay Villa Somalia

Tallaabadan ayaa timid ka dib codsi kasoo baxay bulshada gobolka Mudug, kuwaas …

  • Puntland

    04-07-2025

  • 02:22PM

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM