Siyaasada Deegaanka Puntland oo lasoo bandhigay

Image
Image
Image
Image
Image

October 12, 2014 (GO)- Wasaradda Deegaanka iyo duurjoogta Puntland ayaa maanta oo Axad soo bandhigtay siyaasada deegaanka, ka dib kulan lagu qabtay xarunta Hay'adda PDRC.

Madaxwaynaha Puntland, ku xigeenkiisa iyo Ra'iisul Wasaraha Somalia ayaa kasoo qayb galay furitaanka kulankaasi, waxana ugu horayntii ka hadlay wasiirka deegaanka Guuleed Saalax Bare wuxuna sheegay siyaasada deegaanka inay soo martay marxalado kala duwan.

Saalax ayaa sheegay sababta siyaasadaan loo abuuray inay tahay sidii loo bad baadinta lahaa deegaanka oo 23-kii sano xaaluf xoogan lagu hayay isla markasna aan lahayn siyaasad ka hor tagaysa sida gaarka ah ee loo xaalufinayo deegaanka iyo dhirta.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa muujiyay inuu ka xun yahay sida ee loo gumaadayo deegaanka isla markasna dadku aysan ku baraarug sanayn inay deegaankooda ilaashadaan.

Gaas ayaa sheegay haddii dhibka lagu hayo bariga iyo badda kororto imaan karto dhibaatooyin si xun nolasha dadka u saameeya maadama meelihii lagu bad baadi lahaa la dabar gooyay.

Waxa uu balan qaaday inay si ansixin doonaan siyaasada deegaanka marka la hor keeno gollaha xukumadda isla markasna ay usoo gudbin doonaan gollaha wakiilada.

Wasiirka koowaad ee xukumadda Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed oo si rasmi ah u furay kulankan ayaa tilmaamay inay dhankooda wax badan ka faa'iido doonaan siyaasadda deegaanka si loogu dabaqo tan Somalia.

Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa sheegay Dalku inuu u baahan yahay bad baadin guud si looga baaqsado abaaro xoogan oo soo laalaabta,maadama dhirta la jarayo laga sameeyo dhuxusha.

Madaxwaynihii hore ee dowladda Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa abuuray wasaradda deegaanka iyo duurjoogta ka dib markii ay soo baxeen baahiyo badan oo la xariira in laga hortago xaalufka lagu hayo deegaanka iyo dhirta.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM