Agaasiimihii hore ee PMPF oo soo dhaweeyay Go'aanka Imaaraadka ee Puntland

Image

GAROOWE, Puntland - Agaasiimihii hore ee Ciidamada Badda Puntland [PMPF], Maxamed Cabdiraxmaan ayaa soo dhaweeyay go'aanka dowladda Imaaraadka ay kusii wadayso taageeradda Ciidamada.

Maxamed oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in tageeradda Imaaraadka ay laf-dhabar u tahay amniga Puntland, oo difaacidiisa safka hore uga jiraan Ciidamada Badda PMPF.

"Taageeradda Imaaraadka ayaa timid xilli baahi badan u qabto dowladda Puntland in laga caawiyo sugida amniga, iyadoo gaar ahaan u baahnayd in laga taageero la dagaalanka burcad-badeedka oo dagaal ba’an ku hayey Maraakibta shisheeye ee isaga gooshi jirtey Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.” ayuu yiri Maxamed Cabdiraxmaan.

Dhisamaha Ciidamada PMPF-ta, oo Imaaraadka gacan ka geestay, ayaa u suuragaliyay Puntland inay deegaanadeeda ka sifeyso kooxaha burcad-badeeda, islamarkaana soo afjarto weeraradii maraakiibtaas lagu qaadi jirey.

Ciidamada badda PMPF ayaa saldhigyo ka sameystay illaa 8 goobood oo ku teedsan deegaanada xeebta Puntland, iyagoo dhinaca dhulka kala dagaalamay Burcad-badeeda, oo horey looga adkaan weeyay dhinac badda.

Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Agaasime u noqday Ciidamada PMPF-ta markii la aas-aasay 2011, isagoo intii uu xafiiska joogay hogaankiisa ku guuleystay horumarro badan oo laga sameeyay dhismaha ciidamadaan iyo la dagaalanka burcad-badeeda xeebaha Puntland ka howgali jirtey.

Bishii December, 2012, howlgal uu hogaaminayay Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Ciidamada Badda Puntland kusoo furteen Markabka ‘Iceberg 1’ iyo shaqaalihii la socday oo gaareyay 22 oo u kala dhashay Yemen, India, Ghana, Sudan, Pakistan iyo Philippine.

Markabkii MV Iceberg1 kaasoo labo sano ah lagu haystey Badmaaxiinta saarneyd

Ciidamada Badda Puntland oo howgalkaan uu ahaa midkii ugu horeeyey ay ka qayqaataan ayaa waxaa kaga dhintey Allah ha u naxariistee Hal Askari halka ay ku dhaawacmeen 6 kale.

Howlgalka ayaa lagu dilay saddex kamid ahaa burcad-badeeda, iyadoo tiro intaasi ka badan lagu soo qabtey nolosha. Markabka ‘Iceberg 1’ ayaa lagu afduubay March 29, 2010 , waxaana la haystay 2 sano iyo sagaal bilood.

MV Iceberg-1 oo ay leedahay Shirkadda Azal Shipping & Cargo, oo fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka, ayaa ahaa markabka mudada ugu dheerayd lagu haystay Xeebaha Puntland.

- Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka -

Mar Warsidaha GO wax ka waydiiyay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka, ayaa Maxamed Cabdiraxmaan ku jawaabey: "Labada dal waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah, oo ku salaysan diin, dhaqan, ganacsi iyo iyo -kaashi."

Wuxuu sheegay in Imaaraadka uu yahay saaxiibka ugu weyn ee ganacsiga Soomaaliya, islamarkaana ay dalkiisa ku nool yihiin kumanaan Soomaali ah, oo lagu soo dhaweeyay dalkaasi, shaqooyina laga siiyay.

Maxamad waxa uu xusay in Imaaraadka uu noqday dalka kaliye ee carbeed oo Saafaarad uu dhistey ka furtay Soomaaliya xilli xasaasi ah, oo wadamada kale kusoo dhiiran waayeen amni dalka.

Dowladda Imaaraadka ayaa sidoo kale dhinacyada amaanka iyo maaliyadda ka taageertay dowladihii ugu dambeeyay dalka Soomaaliya, laga soo billaabo dowladdii Sheekh Shariif ilaa midda haatan jirta.

Ugu dambeyntii, Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya inay tixgeliso xiriirka Imaaraadka, islamarkaana wadahadal lagu dhameeyo xiisadda taagan, lana joojiyo dacaayadaha lagu soo hurinayo is-maandhaafka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM