Socdaalka Yamamoto sawir noocee ayuu ka bixinayaa amniga Boosaaso?

Image

BOOSAASO, Puntland – Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto, ayaa Axadii booqasho taariikhi ah ku tegay magaalada dekada leh ee Boosaaso, oo uu kula kulmay madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

Yamamoto iyo Deni ayaa yeeshay wadahadalo inta badan daarnaa dhinacyadda amniga, dhaqaalaha, bini’aadanimada iyo taageerada ay Washington siiso guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Illo ku dhow kulanka ayaa u xaqiijiyay warsidaha Garowe Online in dhamaan qodobadii ay kawada hadleen labada mas'uul ay isla meel-dhigeen, ayna isku raaceen in horey looga sii socdo horumarada la sameeyay.

Danjiraha ayaa noqonaya mas'uulkii ugu horeeyay ee ah madaxda howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya socdaal ku taga xarunta ganacsiga Puntland taariikhda inta laga war hayo.

Waa safarkiisii ugu horeeyay ee uu ku tago degaanada dowlad goboleedyadda xubnaha ah xukuumada federaalka ah tan iyo markii loosoo magacaabay wakiilka Mareykanka u qaabilsan dalka Geeska Afrika ku yaalla.

Booqashada Yamamoto ayaa kusoo aadaysa xili amniga magaalada ku taalla marin biyoodka muhiimka ah si wayn loo daryinayo ayna ka dhaceen bilooyinkii lasoo dhaafay falal lidi ku ah amaanka.

Reer Boosaaso oo aad u soo dhaweeyay arrinkaan ayaa sheegay in ay tahay talaabo sawir wanaagsan ka bixineysa nabad-gelyadda xarun goboleedka Bari, halkaasoo madaxda ugu sareysa Puntland ay ku sugan yihiin.

Madaxwayne Deni iyo qaar kamid ah xubnaha Gollihiisa Wasiirada ayaa u tegay magaaladaasi si ay uga hadlaan mas'uuliyiinta in wax laga badalo amniga, isla markaana la dardageliyo howlgalada lagu sugayo.

Xukuumada Deni ayaa wacad ku martay in ay ahmiyada koowaad siineyso amaanka, ayna ku bixineysa dhaqaalaha ugu badan si gaar ahna ay diirada u saareyso xaqiijinta amaanka Boosaaso.

Mareykanka ayaa ka taageera Soomaaliya siyaasada, amniga iyo dagaalka argagixisada oo ah khatarta ugu wayn ee amaanka dalka waxaana degaanada Puntland ka dagaalama kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Madaxwayne Deni ayaa hore uga dhawaajiyay in maamulkiisa uu gacan bir ah ku qaban doonan maleyshiyaadkaasi isla markaana inta uu xafiiska joogo ka shaqeynayo sidii loo dabar-jari lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM