Su'aallo laga keenay xafiis cusub oo ay xukuumada ka furatay Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Isniinta maanta ah xarigga ka jaray xafiis ay Garoowe ka furatay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Xafiiskan oo arrimaha Qunsuliyadaha u qaabilsan Wasaaradda ayaa shaqadiisu noqonaysaa fududeynta dukumentiyada qaadashada Baasaboorka oo loo aadi jiray Muqdisho.

Karaash oo madasha ka hadley ayaa bogaadiyey in Garoowe laga hirgeliyey xafiiskan oo uu xusay in uu meesha ka saari doono "waqti badan oo la lumi jiray muwaadiniinta".

Xubno kamida Golaha Wasiirada Puntland, saraakiil ka socda Federaalka, gaar ahaan Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha; mas'uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay xaflada.

"Su'aallaha aan laga jawaabin"

Dhinaca kale, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa tibaaxay in ay jiraan "su'aallo aan wali laga jawaabin oo ku geedaaman xafiiskan".

Qaadashada baasaboorka oo hay'addo kala duwan loo maro ayaa waxaa kamid ah; Maxkamadda, CID-da iyo Wasaarada Arrimaha Dibadda oo ugu dambeyntii tas-tiiqineysa.

Si lamid ah, wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka ayaa waxay door ku lahayd dalabka Baasaboorka kahor inta uusan muwaadinku u dhoofin caasimada oo uusan soo qaadan.

"Marka xafiiskan ma waxa uu ku eg-yahay adeegii Wasaarada Arrimaha Dibadda, mise adeegyadii kale waa uu bixinayaa, mise waa horudhac, oo labadii kale waa ay soo socdan," ayuu tilmaamay.

Nidaamka federaalka

Soomaaliya ayaa waxay qaadatay nidaamka federaalka, kaasi oo haatan gebi ahaanba dalka ka hano qaadey, inkasta oo dowladda hadda jirta lagu eedeeyo in ay kasoo horjeedo.

Dastuurka qabyada ah ee dalku leeyahay ayaa wuxuu qeexaya in federaalku nidaamka dalka ka shaqeynaya, isla markaana ay waajib tahay in laga shaqeeyo taaba gelintiisa.

"Baasaboorka Soomaaliya ee ka daabacaayo waxaa ku taala [Jamhuuriyadda Soomaaliya]; 15-sano kadib oo dalka hanaan federaal u dhismayo in taasi dhinac marsan tahay in wax leyska waydiiyo ayey u baahan tahay".

Ugu dambeyntii, Karaash oo xoojiyey hadalka Dhabancad ayaa wuxuu ku tartarsiiyey xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho in ay "ilaaliso federaalka xaq-dhowrtana Puntland".

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo heegan sarre gelisay ciidamadda milatariga

Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa askarta u sheegay in ay u diyaar-garoobaan “shaqooyin qorsheysan”.

  • Puntland

    07-05-2024

  • 03:26AM

Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

  • Puntland

    06-05-2024

  • 01:08PM