Tacadiyada ka dhaca Puntland oo la soo bandhigay [Dhagayso]

Image

GAROOWE, Puntland- Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Insaanka Puntland, ayaa sannadkii 2aad magaalada Garoowe kusoo bandhigay Warbixin ka hadlaysa tacadiyadii ka dhacay 2016 ilaa 2017, waxaana eedayn loogu jeediyay Garsoorka, Booliiska iyo Xukuumadda.

Bandhiga Warbixinta oo shalay 27 December, 2017 ka dhacay xarunta PDRC, islamarkaana ay kasoo qayb galeen xubno ka socday Barlamanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, ayaa lagu sheegay in sannadkaas dhexdiisa ay dhaceen kiisas isugu jiray, Kufsi, Xarig iyo tacdiyo kale oo ay la kulmeen muwaadiniin reer Puntland ah.

Guddoomiyaha Difaacaha Xuquuqul Insaanka Puntland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa warbaahinta u sheegay in loo baahanyahay ilaalinta sharciga iyo dhowrista xuquuqda Aadanaha taasoo uu tilmaamay inay imaan karto hadii xal loo helo Garsoorka iyo Booliiska.

Maxamed, ayaa labadaas hay'adood ku eedeeyay inay ku kaceen sannadkaas gabood fallo kala duwan oo ay ku jirto, Jirdil, soo xirista Muwaadiniin aan loo marin hab sharci ah.

Kufsiga ayaa safka hore kaga jira tacadiyadii ugu badnaa ee lagu sheegay warbixinta hay'adda inkastoo Guddoomiyuhu uu tilmaamay in guulo muhiim ah laga gaaray sidii loo yarayn lahaa dhibaatadaas oo ay ugu horayso wacyigalin ay u sameeyeen shacabka.

Mar uu ka hadlayay sababaha uu u eedaynayo Garsoorka, wuxuu tilmaamay inaysan sidii loo baahnaa u fulin sharciga iyagoo cadaadis kala kulmaya dhinaca xukuumadda.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in sannadkii 2016 Shaqaalaha Dowliga ah mushahar qaateen celcelis ahaan 5-bilood, halka sanadkan 2017-ka ay xuquuqdooda heleen celcelis ahaan 7-bilood.

Dhinaca kale, xeer ilaalinta guud ee Puntland, ayaa soo bandhigtay falal dambiyeedkii sannadkan ka dhacay gobollada Puntland, kadib markii uu shir jaraa'id Garoowe ku qaybta ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Puntlad Maxamed Xareed Faarax.

Xareed ayaa sheegay in is barbar dhig la sameeyay sadankaan iyo sanadkii hore la ogaaday in ay kiisasku badanyihiin sanadkaan dhamaadka ah

Guud ahaan Tacadiyada Puntland ka dhacay sanadka dhamaanaya oo isugu jira dil, kufsi iyo tacadiyada kale ayaa gaaraya 3,853 kiis.

Isagoo sharaxaad ka bixinayay sida gobolladu uga kala badanyihiin Tacadiga wuxuu yiri; Gobalka Nugaal 173 dambi, Gobalka Bari 928 dambi, Gobalka Karkaar 351 dambi, Gobalka Cayn 677 dambi, Gobalka Mudug 169 dambi, Gobalka Sanaag 70 dambi iyo Gobalka Haylaan 150 dambi. Xeer ilaalinta warbixintooda kuma darin labada gobol ee kala ah; Gardafuu iyo Sool.

Muddooyinkii dambe waxaa gudaha Puntland sare u kacay dhibaatooyinka ay la kulmayaa qaybaha nugul ee shacabka gaar ahaan Dumar, waxaana sannadkan kaliya dhacay 80 kiis oo la xariira Kufsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM