​Tartan Qur'aanka ah oo Garowe lagu soo xiray

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 28-Jun-2016 kaga qayb galay Masaajidka Al-Huda ee magaalada Garoowe Munaasab lagu  maamusayey xiritaanka Tartanta Qur’aanka Kariimka ah, kaas oo u dhexeeyey degmooyinka Puntland.

Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka socda labada gole ee dawladda, guddiga garsoorka Tartanka, ardaydii ku tartamaysey qaybaha kala duwan ee Jusaska Qur’aanka, maal-geliyayaashii tartanka, Isimo iyo dadweyne kale.

Tartanka ayaa ahaa saddex qaybood oo isugu jira Soddonka Jus, Labaatan Jus iyo  Toban Jus iyadoo dhammaan ardaydaydii ka qayb gashay tartanka la-guddoon siiyey abaal marino kala duwan oo lagu dhiirri gelinayo kalaamka Eebbe.

Ardaygii ku guuleystey tartanka Soddonka Jus ee Qur’aanka Kariimka ah oo lagu magcaabo Ibraahim Maxamed Maxamuud kuna tartamayey magaca madarasada Daarul-Qur’aan ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa Abaal-marin loo siiyey Gaari nooca raaxada ah, waxaana ardaygaasi Furaha Gaadhiga guddoon siiyey Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Wasaaradda Caddaalada dawladda Puntland oo doorweyn ku lahayd hirgelidda tartankaan ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dedaal keeda ku aaddan kor u qaadista qawlka Eebbe, sidoo kale wasaaraddu waxay sheegtay in xabsiyada Puntland laga bilaabi doono dhowaan tartanka Qur’aanka Kariimka ah.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  ku macneeyey kasoo qayb-galkiisa Munaasabadda xiritaanka tartanka Qur’aanka Kariimka ka ah in ay tahay qayb ka mid ah waajibaadka dawladdu ay u hayso bulshadeeda.

“sharaf bay nootahay in aanu idin kala soo qayb galno munaasabaddan, waana waajib dawli ah, waajibka koowaad ee dawladdu waa in ay dadka ilaaliso  diintiisana ku ilaaliso,” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in ubadka inta  ay yar-yar yihiin  lagu ababiyo diinta islaamka si’ ay uga badbaadaan  kooxaha sharwada yaasha ah ee diinta islaamka sida khaldan dadka u fahamsiiya, isagoona tusaale u soo qaatay caruur yaryar oo aad u tiro badan oo lagu soo qabtay dagaalkii lagu soo afjarayey duullaankii kooxada Shabaab kusoo qaaday Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sidoo kale kula dar-daarmay ardaydii ka qayb qaadatay tartanka Qur’aanka Kariimka ah in ay sii wadaan dedaalkooda ay kor ugu qaadayaan aqoontooda, sidoo kale  Madaxweynuhu waxa uu ku baraarujiyey barayaasha dugsiyada in ay manhajkooda ku daraan  maaddooyin ay ardayda ku barayaan qiimaha  ay leedahay waddaniyadda iyo nabad-gelyadu.

Sannad kasta tobanka dambe ee bisha Ramadan ayaa la qabta tartan ku aadan bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana ku loollama dhalinyaro yar yar oo kala matasha qaybo kamid ah gobollada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM