Tiradda kiisaska Coronavirus ee degaanada Puntland oo sarre u kacday

Image

GAROWE, Puntland – Guddiga Puntland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo ka hortagga Coronavirus ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay soo kordheen 12 kiis cusub oo ah xanuunkaas safmarka ah.

Bukaanada cusub ayaa kamid ah 20 ruux oo caabuqa laga baarey, kuwaas oo lasoo wariyey in aysan gelin safar, taas oo macnaheedu yahay in lagu daartay ama lagu qaad-siiyey gudaha degaanadda.

"Waxaa maanta [Sabti, 2-da May, 2020] la baaray 20 ruux oo 16 kamid ah ay rag ahaayeen iyo 4 dumar ah, waxaa xanuunka laga helay 12 qof oo 9 kamid ah ay rag ahaayeen iyo 3 haween ah, halka 8 ruux laga wayay. Dadka xanuunka laga helata ayaa Da’doodu udhaxaysa 15jir ilaa 65jir," ayuu yiri guddiga.

Iyaddoo kororka uu xawli ku socda, guddiga ayaa raaciyey: "Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ayaa noqonaysa 23 ruux, hal bukaan ahna uu ugeeriyooday xanuunka".

Sidda laga soo xigtay warbixinta maalinlaha ah ee guddigu soo saarey 2-dii May, 2020, dadweynaha ayaa laga codsaday in ay xoojiyaan taxadarka isla markaana aysan ku dhaqmaan talooyinka caafimaad.

Puntland ayaa soo rogtay amarro lagu xakameynayo faafitaanka cudurka, waxaana kamid ah bandow habeenkii ah kaas oo waqtigiisu gabaabsi yahay isla markaana la rajeynayo in shir laga yeesho.

Wasaaradda Caafimaadka federaalka ayaa Sabtidii tibaaxday in tiradda kiisaska xanuunka ee guud ahaan waddanka ay gaareen 671 kadib markii 48-dii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan-geliyey 70 xaaladood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM