TOOS: Dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Waxaa magaalada Garowe ka socota maanta munaasabad lagu dhaarinayo Xildhibaanada cusub, ee Puntland, kuwaasoo shalay uu ku dhawaaqay Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Gollaha Wakiiladda.

Xildhibaanada oo gaaraya 66 xubnood, ayaa 49 kamida waxay yihiin wajiyo cusub, oo dhalinyaro u badan, iyadoo 17 kale ay kasoo mid noqdeen Baarlamankii hore, oo dib loo soo doortay, waxaana ku jirta hal mudane oo haweeney ah.

Hoolka Gollaha Wakiiladda ee Puntland ayay ka dhacaysa munaasabadd dhaarinta Xildhibaanada, iyadoo ay ku sugan yihiin mas'uuliyiin sare, bahda warbaahinta iyo marti-sharaf kale.

HALKAN TOOS UGA DAAWO:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM