TOOS U DAAWO: Khudbadaha Mushariixinta Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Waxaa Hoolka Gollaha Wakiiladda Puntland ka socda Hadal-jeedinta Musharixiinta xilalka Madaxweynaha iyo ku xigeenka u tartamaya, kuwaasoo soo bandhigaya barnaamjiyadooda siyaasadeed iyo CV-gooda.

Guddiga Doorashada ayaa shalay ku dhawaaqay inuu diiwaan-geliyay 21 Musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha iyo 11 Musharax oo isu soo sharxay Madaxweyne ku xigeenka.

Madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaadey, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay isku diiwaan-geliyay doorashadda isagoo raadinaya in mar labaad dib loo doorto, xilli maamulkiisii hore uu ku fashilmay hogaaminta Puntland.

Arrimaha amniga, dhaqaalaha, Federaalka, la dagaalanka argagaxisada iyo xoreynta degaanada ka maqan Puntland ayaa ugu waaweyn qodobada Khudbadaha Musharixiinta iyo balan-qaadayadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM