Ugaarsiga Diinka oo laga mamnuucay Puntland [Dhagayso]

Image

GAROOWE, Puntland- War kasoo baxay wasaaradda Deegaanka iyo Duurjoogta Puntland, ayaa looga hadlay warar ku saabsan inay jiraan dad u ugaarsi taga Duur Joogta gaar ahaan Diinka (Diin Diin).

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Puntland, Cabdi Nuur Cilmi Koor, ayaa isagoo wariyaasha kula hadlayay magaalada Garoowe {04 Jannaayo, 2018], wuxuu sheegay in dowladdu tallaabo cad oo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto ciddii la qabto ama lagu helo dambi ah inay ugaarsanayso Xayaawanka Duurka ama baadiyaha ku nool.

Koor ayaa sheegay in wasaaraddu ka war-heshay inay jiraan dad raadinaya Diinka si ay ugu iib-geeyaan magaalada Muqdisho oo baryihii dambe uu aad ugu lahaa Suuq.

Agaasimaha ayaa intaas ku daray in horay u jiray sharci mamnuucaya in lag ugaarsado Ugaarta, balse Diinku kamid ahaa Xayawaanka ka nabad helay gacanta bini-aadamka.

Koor, ayaa fariin u diray dhammaan maamulka degmooyinka, ciidamada qalabka sida iyo ilaaliyaasha duur-joogta inay u istaagaan sidii loo ilaalin lahaa Xayawaankan.

Hadalkan ayaa kusoo aaday, xilli dabayaaqadii sannadkii hore ay soo baxday warar sheegaya in Xayawaanka Diinka loo yaqaano uu suuq ku yeeshay caasimadda Soomaaliya, islamarkaana loo sameeyay Saylad lagu kala iibsado, waliba la kala siisto lacag kor u dhaafaysa Boqolaal kun oo doollar.

Lama sheegin faa'iidada laga helay iyo sababta loo gadanayo, laakiin waxaa jira in shuruudo lagu kala xulanayo Xayawaanka taasoo lamid ah qaabka loo kala iibsado Geela, Ariga iyo Lo'da.

Diinkan ayaa wararka uu ka helay GO dad goob joog u ahaa kala iibsigiisa, waxay sheegeen in mid la gadanayo tijaabada uu maro ay tahay in la dul saaro taleefon kadibna hadii uu damo uu iib-yahay. Arrintan Warsidaha Garowe Online ma xaqiijin karo run ahaanteeda, balse waxaa hubanti ah in loo sameeyay suuq oo waliba uu dalabka iyo ugaarsiga xayawaankan uu ku fiday gobollada kale ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM