UN-ka oo Gaas kala hadlay Colaadda Tukaraq iyo khilaafka kala dhaxeeya DF

Image
Image

GAROOWE, Puntland - Wafdi uu hogaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa maanta oo sabti ah gaarey magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Madaxa Howlgalka Kaalmeynta Qarmada Midoobey ee Soomaaliya [UNSOM],ayaa lagu sheegay in Haysom uu Aqalka Madaxtooyadda Puntland kulan kula qaatey Madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo mas'uuliyiin kale.

Haysom ayaa Gaas kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa colaadda Tukaraq iyo soo celinta xiriirkii wadashaqeynta ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, oo hakad ku jira tan iyo bishii September ee sanadkan.

Arrimaha kala ee la iskula soo qaadey kulan ayaa waxaa kamid ah doorashada madaxtinimda Puntland January 2019, iyadoo Haysom uu la wadaagey Gaas baahida loo qabo doorasho u dhacda si xor, xalaal iyo oo nabad ah.

Madaxweyne Gaas oo muda xileedkiisa uga hartay wax ka yar 60 maalmood ayaa ku fashilmay inuu Puntland gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah mudadii shanta sano ee uu xafiiska joogey, isagoo lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo fashil dhanka amaanka ah.

Wakiilka Qaramada Midoobey iyo dhigiisa Midowga Africa ayaa maalmihii lasoo dhaafey safaro ku kala tagey Kismaayo iyo Baydhabo, iyagoo xal u raadinaya khilaafka siyaasadeed ee ka ka jira dalka, kaasi oo sidoo kale Aqalka Sare kaalin ka qaadinayo xalintiisa.

Dowlad goboleedyada ayaa hore u dalbadey in la helo daraf saddexaad hadii ay wadahadal la galayaan dowladda Dhexe, iyagoo sheegay in loo baahan yahay cid damaanad qaada fulinta heshiiska Villa Somalia, oo ay ku eedeeyeen in heshiisyadii hore kasoo bixi wayday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM