Ururada siyaasadda Puntland oo loo diray fariin la xiriirta Covid—19

Image

GAROWE, Puntland – Guddiga wacyi-gelinta iyo ka hortagga Coronavirus ee Puntland oo soo saarey warbixintiisa maalinlaha ayaa wuxuu ku booriyey ururada siyaasadda in ay hakiyaan kulamadda.

Sidoo kale, wuxuu ka codsaday in ay joojiyaan isu-soo-baxyadda taageereyaashooda qabanayaan si looga hortaggo faafitaanka caabuqa safmareenka ah ee Covid-19.

Dhanka kale, war-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa lagu xaqiijiyey in degaanada Puntland aysan ka jirin kiisas cusub oo ah dad la karan-tiilay.

Sidda ku xusan warbixinta, dhamaan gudoomiyeyaasha gobolada iyo degmooyinka "waxaa lagu wargelinayaa in ay xoojiyaan wacyigelinta si gaar ah goobaha dadka isugu yimaadaan".

Dadweynaha waxaa lala socod-siiyey "in ay wali reeban yihiin shirarka, xafladaha aroosyadda, kulamada garoomada ciyaaraha iyo goobaha lagu daawado ayna joogaan guriyahooda".

Laamaha ammaanka ayaa lagu tartarsiiyey "in ay adkeeyaan xuduudaha ay dadka socotadi ahi kasoo gelayaan si loo hubiyo bedqabka caafimaad iyo amniga shacabka Puntland".

Ugu dambeyntii, muwaadiniinta Puntland ee ku dhaqan gudaha iyo dibadda ayaa loogu baaqay in ay ka qeyb-qaataan Sanduuqa Taakulada ee ka hortagga iyo la dagaalanka fayruska dilaaga ah ee Corona.

Hoos ka akhriso warbixinta

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM