Ururka MAP oo cambaareynaya dilka wariye Cabdirizaq Silver

Image

Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa Cambaareeyay Dilkii Foosha Xumaa ee lagu khaarijiyay Wariye C/risaaq Cali Cabdi oo caawa lagu dilay magaalada Galkacayo. Waxaa uu ka tirsnaa Idaacadda Daljir, islamarkaana Galkacayo  Waxaa uu uga  soo Warami jiray Telefishanka
Horncable.

*nin ku hubaysan Bastolad ayaa madax ka toogtay Wariye C/irsaq Silver oo markaa fadhiyay Baar ku yaal xero Darwiish, waxaa la fadhiyay nin Saaxiibkiis ah.Nin Wax dilay iyo Nman kale oo la socday ayaa goobtii ka cararay* Sidaas waxaa yiri Tifaftiraha Guud ee Idaacada Daljir  C/fitaax Cumar Geed .

* Dhowr jeer ayaa  Silver loogu  hanjabay in la dilayo. waxaa uu si ammaan ahaan ugu guuray mid ka mid ahaa hoteeladda Magaaladda Galkacayo* ayuu yiri sii raaciyay Cabdifataax Cumar Geedi.

Ma jirto ilaa iyo Hadda Cid ama koox sheegatay inay mas'uul ka ahayd dilka wariye C/risaaq Silver.

Ururka suxufiyiinta Puntland waxaa uu si adag u cambaaraynayaa dilkaas foosha xumaa, naxariis darnaa ee lagula kacay Wariye Cabdirisaaq Silver, waxaana uu ka codsanayaa Dowladda Puntland inay baarto dilkaas,sharcigana hor keento dambiilayaasha

Waxaan aad uga naxay Dilka Wariye Silver,  si adag ayaan u cambaaraynaynaa dilkaas,. waxaa uu ahaa wariye firfircoon oo lafdhabar u ahaa wariyaasha ka howlgala Puntland, gaar ahaan magaaladda Galkacayo,* ayay tiri xoghayaha warfaafinta ee ururka MAP Faadumo Maxamed Maxamuud
 

Ururka MAP Wuxu Tacsi u dirayaa u dirayaa Ehelkii, iyo asxaabta  uu ka geeriyooday Wariye C/irsaaq Cali Cabdi iyo  Sidoo kale Suxufiyiinta Reer Puntland, Gaar ahaan Shaaaalaha iyo Maamulka Idaacadda Daljir

Xigasho: Ururka Map

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM