Dowlada oo qorshe cusub dejisay xili Shirka Garowe uu hakad ku jiro

Image
Image

GAROWE, Puntland – Maanta oo kale todobaadkii hore, waxaa magaalada Garowe tegay ra’iisul wasaare Khayre, oo ay kasii horeeyeen madaxda maamul goboleedyada, marka laga reebo hogaamiyaha Galmudug.

Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa xili hore oo Sabtidii ah ka degay caasimada dowlada Puntland xili madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Maqribnimadii lagu soo dhaweeyay halkaasi.

Axadii, madaxweyne Farmaajo waxa uu si rasmi ah u furay shirka inkasta oo ay kasii horeysay daqiiqado lagu muran-sanaa waxa uu noqonayo ajendaha ugu horeeya ee lagu gorfeynayo kulanka.

Maadaama bisha Ramadaan lagu jiro, inta badan kulamada madaxdu waxay qabsoomayeen Duhurkii iyo Saalada Taraawiixda kadib, waxayna isla gaarayeen illaa iyo xili dambe oo habeenkii ah.

Sidda uu ogaaday Garowe Online, maalmihii ugu horeeyay ee shirka, mas'uuliyiinta ayaa isla gartay in dib loo dhigo Sharciyada Doorashooyinka iyo Bartoolka, inta xal siyaasadeed laga helayo.

Balse, baarlamaanka federaalka oo u muuqda mid aanan loosoo gudbin go’aankaasi ayaa todobaadkaan akhrinta labaad mar siiyey sharciga Bartoolka, kaasi oo akhrinta saddexaad kadib cod loo qaadayo.

- Caqabada koowaad ee Shirka -

Mr Xaaf ayaa codsaday in xal loo helo khilaafka salka ku haya xil-heyntiisa ee kala dhaxeeya Villa Soomaaliya, kahor inta aan la guda gelin ajendayaasha kale, isaga oo sheegay in uu shirka ka baxayo, hadii aanan la dhameyn arrinkiisa.

Dood dheer kadib, dowlada ayaa ogolaatay in ay hal sano ugu darto Xaaf. Balse waa uu ka biya diiday wuxuuna ku eedeeyay xukuumada in ay farogelineyso maamulkiisa, isaga oo shaaciyey in uu doonayo afar sano oo uu xukunka hayo.

Galabnimadii Talaadada, waxaa shir gaar ah yeeshay Farmaajo iyo Xaaf, kaasi oo daarnaa sidii loo dhameyn lahaa is-marin-waaga labada dhinac, balse fashil ayuu kusoo gabagaboobay kulankaasi. [Halkaan ka akhriso]

Xogta uu GO ka helay shirkaasi ayaa sheegaysa in la isku fahmi waayey habka loo marayo xalinta khilaafka Galmudug dhexdeeda, xili Xaaf uu ka codsaday madaxweynaha in xukuumadiisa ay gacmaha kala baxdo maamulkiisa.

Guuldarada kasoo baxday kulankaasi ayaa caqabad ku noqotay sii socoshada kulanka. Balse, dadaalo ay sameeyeen madaxda maamulada ayaa lagu guuleystay in lagu qanciyo in dib loo dhigo ajendaha xalinta khilaafka Galmudug.

- Caqabada labaad -

Kadib hakad uu ku jiray kulanka, waxay mar kale miiska wadahadalka ay isugu yimaadeen Khamiistii, iyada oo ajendaha ay ku jireen wadaagista kheyraadka, amniga iyo hanaanka doorashada 2020-ka.

Iyadda oo uu shirku socdo ayna tahay galab, Axmed Madoobe ayaa lagu soo war-geliyay in magaalada Kismaayo uu ka dhacay iska hor-imaad u dhaxeeya ilaalada murashax iyo booliska. [Fahfaahinta halkaan riix]

Axmed Madoobe oo ku eedeeyay Villa Soomaaliya ku eedeeyay arrintaasi ayaa waxa ay caqabad ku noqotay shirka, iyada oo kulan kale oo madaxdu ku balantay Afurka kadib uusan qabsoomin.

Tani ayaa lagu waramayaa in ay dhalisay in Shirka Wadatashiga uu qarka u saarmo "fashil iyo in uu burburo", waxaana tan iyo xiligaasi aanan jirin wax Shir ah oo ay yeesheen dhinacyadda.

- Qorshaha cusub ee madaxtooyada -

Dhowr illo wareedyo oo ku dhow kulanka ayaa u dusiyey mareega Garowe Online, madaxda dowlada dhexe ayaa aad ugu mashquulsan sidii dib la isugu soo laaban lahaa miiska wadaxajoodka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Villa Soomaaliya ay damacsan tahay in ay ku qanciso madaxda maamulada ee gadoodsan in Shirka ugu yaraan ay qodobo kasoo baxaan si ay uga fogaato waji gabax.

Balse madaxweynayaasha dowlad goboleedyadda oo kasoo horjeedaan ayaa la sheegayaa in doodooda ay tahay in qodobadii kasoo baxay shirarkii hore aaney waxba ka fulin.

Xukuumada "oo mas'uul ka noqoneysa fashil walba oo yimaada" ayaa lagu eedeeyay in ay ka cagajiideyso hakinta sharciyada doorashooyinka, bartoolka [oo ay qaadaceen maamulada] iyo in magaca laga bedelo Golaha Amniga Qaranka.

Shirkaan oo indhaha si wayn loogu hayo ayaa noqonaya midkii ugu waqtiga dheeraa oo ay yeeshaan hogaamiyeyaasha siyaasada Soomaaliya, maadaama uu ku dhow yahay in uu lugaha la galo todobaadkii koowaad.

Kulamadii horey ee qabsoomay Muqdisho iyo Baydhabo oo socday ugu yaraan afar maalmood ayaa gabagabadii waxaa laga soo saaray qodobo ay isku afgarteen madaxda balse midkaan wuxuu u muuqdaa mid aysan natiijo kasoo bixi karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM