Villa Somalia oo siyaasadeysay diyaarad dhaawacyo ka qaadi laheyd Puntland

Image

GAROWE - Kadib markii dagaal beeleed dad badan ku hoobteen uu ka dhacey Koonfurta gobolka Sool ayaa Dowlada Federalka waxay soo dirtey maalintii shaley diyaarad lagu qaado dadkii dhaawacyadu ka soo gaareen dirirtaas taas oo muran dhalisay. 

Duulimaadka diyaaradaan oo ku soo beegmey xilli uu go’an yahay xiriirka u dhexeeya maamulada Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ayaa sida warsidaha Garowe Online wararka ku heley waxaa diidey markii hore maamulka Somaliland inuu ka soo dego magaalada Laascaano halka Puntland diidey Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Xukuumada RW Khayre oo la socdey diyaaradaas iney soo dhaafaan garoonka diyaaradaha Garowe.

” Waxaa uu ahaa duliimaad diyaaradeed oo siyaasadeysan, sababtoo ah diyaarada Muqdisho ka soo duushey halkii ay dadka dhaawaca ka qaadi laheyd waxaa iska soo buuxiyey Xildhibaano iyo xubno ka tirsan Xukuumada Khayre oo u badan kuwo kasoo jeeda degaanada dagaalku ka dhacey kuwasoo uu hogaaminayey Wasiir Bidhaan taasoo sababtey iney markii dambe dhaawacii ay ka qaadi laheyd magaaalada Galkacayo loo waayo meel la saaro.” Sidaas waxaa GO u sheegayey sarkaal ka tirsan maamulka Cabdiweli Cali Gaas.

Wararka aan ka heley maamulka Garoonka diyaardaha Garoowe ayaa sheegaya in maamulka Puntland aqbalay in diyaaradaan  soo dagto balse xubnaha saaran amar lagu  bixiyey ineysan soo dhaafi karin gudaha diyaarada.

” Waxay sidey dhowr kartoon oo faleebayaal ah sababta ay Garowe u soo mareen xildhibaanada iyo xubnaha kale ee ka socda Xukuumada Khayre waxay aheyd mid siyaasadeed iyo iney isku sawiraan ee ma aheyn mid wax loogu qabanayo dadka dhibku kasoo gaarey dagaalkaan.” Sidaas waxaa Garowe Online u sheegay mid kamid ah saraakiisha garoonka oo didey magaciisa.

Diyaaradaan oo markii dambe u duushey magaalada Galkacayo halkaas oo ay ku sugnaayeen inta badan dhaawacii ku waxyeeloobey dagaalkaan ayaa waxaa u suurtoobi waydey iney wada qaado dadkaas madaama ay soo buux dhaafiyeen markii hore Xildhibaano iyo xubno ka tirsan Xukuumada Khayre.

” Waxay noqotey in odyaasha iyo waxgaradka kale ee gobolka Mudug ka codsadaan Madaxweyne Gaas in xubnahaan habeenkii xalay u hoydaan magaaalada Galkacayo si diyaaradu maalintii shalay u qaado dhaawacayda.” Sidaas waxaa Garowe Online u sheegay sarkaal ka tirsan wasaradaa duulista ee ku sugan magaalada Galkacayo.

Waxaa heerkii ugu hoseeyey maraya xiriirka u dhexeeya maamulada Soomaaliya “ Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug” iyadoo madaxda afartaan State maalintii shaley soo saareen warmurtiyeed ay kaga sii fogaanayaan xiriirka ay la leeyihiin Villa Somalia.

Villa Soomaaliya gaar ahaan madaxda sare ee dowlada ayaa aad ugu dadaaleysa sidii carqalad ay uga dhex-abuuri laheyd maamuladaas gaar ahaan kuwa madaxdooda xilka ka sii dhamaanayo iyo shacabka ku nool degaanadaas.

Barnaamijka la rabo in maamulka Puntland ku gaari waayo doorashada soo socota si nabad ah ayaa sida warsidaha Garowe Online wararka ku heleyo waxaa Villa Somalia u adeegsanayaaa qaar ka tirsan Xildhibaanada Barlamanka iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada  kuwasoo aad ugu dhow RW Khayre.

Cabdiweli Cali Gaas oo muddo xileedkiisa sii dhaamanayo ayaa ku guldareystey hogaminta Puntland mudadii Shanto aheyd isagoo  khilaafka soo jireenka ah ee u dhexeyn jirey madaxda Villa Somalia oo mar walba diidan in dalkaan ku dhaqmo nidaamka Federaalka u adeegsadey danihiisa siyaasadeed iyo shaqsi kadib markii ugu dambeyntii maalintii shaley  ku dhawaaqey xisbi mucaarad ah uu madax ka yahay kaasoo sheegey inuu kaga qayb galayo doorashada dalka ka dhaceysa 2020.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM