Waa kuma dilaaga la ilaawey ee Soomaaliya?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Xanuunka oof wareenku (Pneumonia) saacad walba wuxuu Soomaaliya ku dilaa ugu yaraan laba carruur ah, in kasta oo lagu daawayn karo wax ka yar nus dollar, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda Save the Children.

Warbixinta oo loogu magac daray ‘u dagaallanka nolosha caruurta,’’ waxa ay qayb ka tahay warbixin caalami ah oo la daahfuray 2da November 2017. Tani waxa ay muujinaysaa dedaalka ay Save the Children ugu jirto la dagaallanka xanuunka oofwareenka (Pneumonia) kaas oo la rabo in laga badbaadiyo hal malyan oo qof shanta sanno ee soo socota.

Soomaaliya warbixintan waxa lagu soo bandhigay magaalada Garowe, taasoo uu daahfuray wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cabdinasir Cismaan Ciise.Warbixintu waxa ay tibaaxaysaa in 14, 561 oo carruur Soomaaliyeed ahi u dhinteen xanuunkan sannaddii 2015 oo keli ah – Taas oo macneheedu yahay in laba carruur ahi ay dhimanayeen saacad kasta. Warbixintu waxay sheegtay in 24% carruurta dhimashada caruurta ka yar shanta sano ay sababto Pneumonia. Haddii aan la qaadin tallaaboyin wax ku ool ahna, si loo badbaadiyo nolosha carruurta, xaaladdu waa ay ka sii daraysaa.

Wadamada dunida sadexaad oo la tacaalaya wax-ka-qabshada cudurkan

“Dowladdu waxa ay muhiimad siinaysaa ka hortagga iyo daweynta xanuunka oofwareenka. Hase ahaatee, keligeed waxba kama qaban karto. Waxa aannu u baahannahay in dhammaan daneeyayaashu ay qayb mug leh ka noqdaan dedaallada socda iyo in la xaqiijiyo in carruurtu hesho adeegyo caafimaad oo tayo leh meel walba oo ay joogaan.,” Sidaa waxa yiri wasiirka caafimaadka ee Puntalnd Dr Cabdinasir Cismaan Ciise.

Wasiirku waxa uu sheegay in loo baahanyahay in la kordhiyo maalgelinta adeegga caafimaadka aasaasiga ah iyo in muhiimad la siiyo ka hortagga, baaritaanka iyo daaweynta oof wareenka (Pneumonia).

‘Xaaladdu waa ay sii xumaanaysaa Soomaaliya. Cunta yaraanta ay keentay abaartu waxa ay carruur badan u keentay nafaqodarro, taas oo ay halis ugu jiraan xanuunnada uu Oofwareenku ka mid ka yahay’ sidaa waxa yiri Cabdiqafaar Xange, wakiilka Save the Children ee Puntland. “Wax walba oo ay nagu qaadanayso waxaanu ku dedaalaynaa in samatabixino carruurtan. Waa in aynaan dhayalsan Pneumonia xaaladdan adag.”

Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo hay'adda Save ayaa maanta si rasmi ah u daah furay warbixintaas iyagoo diray fariin ah in loo istaago sidii wax looga qaban laah cudurkan.

Dunida xanuunkan dilaaga ahi waxa uu galaaftaa nolosha carruur badan oo oo da’doodu shan jir ka yartahay, Tirada caruurta uu dilo oofwareenku waxa ay ka badan tahay inta ay dilaan xanuunnada kale oo dhan sida shubanka, jadeecada iyo kaneecada oo la isku daray.  

In ka badan 80% dadka uu xanuunkani asiibo waa caruur da’doodu ka yartahay laba sanno jir kuwaas oo difaaca jirkooda uu daciifiyey nafaqo darro iyo naasnuujinta oo aan loo dhammeystir taas oo keentay in xanuunkan ay iska caabbin kari waayaan. Carruurtu waxa ay halis ugu jiraan xanuunkan waxayna wajahaan toddobaadka koowaad ee noloshooda.    

Hay’adda Save the Children waxa ay ku baaqaysaa in 166 Milyan ee carruur ah oo ka yar 2 sanno la talaalo iyo in la caawiyo in ka badan 400 Milyan oo qof oo aan haysan adeeg caafimaad. Kala bar Hooyooyinka Afrika ku nooli ma helaan adeeg caafimaad oo ku haboon xilliga ummusha.  

Kofi Annan, Xoghayihii guud ee hore ee qaramada midoobay oo taageera dedaalka caalamiga ah ee lagula tacaalayo xanuunkan ayaa sheegay in qiimaha tallaalka xanuunka oo dhan $9.15 in uu qaali ku yahay dalalka faqiirka ah. Wuxu yidhi isaga oo ka hadlaya arintaas “Shirkadaha dawooyinka soo saara, dawladaha, qaaraan bixiyeyaasha iyo hay’adaha Qaramada Midoobay waa in ay ka wada shaqeeyaan sidii qiimaha tallaalkan looga dhigi lahaa mid cid waliba awooddo”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM