Waa kuma Madaxweynaha cusub ee Puntland, Saciid Deni?

Image

GAROWE, Puntland - Saciid Cabdullaahi Maxamed Deni, ayaa maanta oo Talaado ah, 8-da January ee sanadkan 2019 ku guuleystay inuu noqdo Madaxweyne Puntland kadib doorasho ka dhacday Garowe.

- Waxbarashadiisa -

Deni, waxa uu ku dhashay Muqdisho sanadkii 1966, waa 53 sano jir, waxaana uu waxbarashadiisa asaasiga ee Dugsiga Hoose, Dhexe, Sare iyo Jaamacadda kusoo dhigtay isla Caasimadda Somalia.

Jaamacadda Umadda Soomaaliya ayuu ka qaatey Shaadaha Heerka kowaad ee Bajilarka isagoo ka baxay Kuliyadda Luqadaha intii u dhaxaysay 1986-1990.

Shahaadada Masterka ayuu ka qaatey Jaamacadda Putra University ee dalka Malaysia (1998- 2000) isaga oo ku taqasusay Maamulka iyo Maareynta.

- Shaqooyinkii ugu Muhiimsanaa -

Horaantii 1990-kii, wuxuu kasoo shaqeeyay Bosaso shipping agency,

1996 wuxuu ahaa Cilmi-baare sare,
1998, Saciid Deni waxuu ka mid ahaa dadkii wax ka dhisay Puntland,
2009 wuxuu soo noqday La-taliye sare dhanka dhaqaalaha dowladda Puntland
2012, waxa uu kamid noqday Baarlamaankii 9aad ee Soomaaliya xilligii dowladdii Xasan Sheekh
2014, Deni ayaa noqday Wasiirka qorsheynta Xukuumaddi Cabdiweli Sheekh Axmed
2017, wuxuu noqday Musharax la tartamay Farmaajo doorashadii February 8, 2017.
2019, Saciid Deni ayaa noqday Madaxweynaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM