Wafdi ka socda Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Garowe

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Golaha Wakiillada Puntland, Ismaaciil Maxamed Warsame, oo ay wehliyaan Xildhibaano katirsan Golaha ayaa maanta Airportka Garoowe kusoo dhaweeyey Wefti ka socday Baarlamanka Maamulka Koofur-Galbeed oo uu hogaaminayey Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, Maxamed Nuur Macalin.

Weftiga oo Caasimadda Puntland ee Garoowe u yimid ka qayb-galka Furitaanka Kalfadhiga 47aad ee Golaha Wakiilladda DPL ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey, waxaana Socdaalkoodu uu qayb ka yahay iskaashiga labada Baarlamanka ee DPL iyo Koofur-Galbeed.

Dhanka kale, Guddiga Qorsheynta, Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan la qaatay Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah DPL.

Wasiirka ayaa waxaa wehlinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxaana looga hadlayay shaqooyinka Wasaaradda, caqabadaha haysta iyo sidii loo xoojin lahaa Xiriirka wada shaqayneed ee kala dhexeeya Guddiga iyo Wasaaradda.

Guddiga ayaa ka dhageystay Wasaaradda qorshahooda waxqabad, caqabadaha haysta, iyo waxyaabaha u qorsheysan inay wax ka qabtaan.

Kulankan ayaa qayb ka ah kulamada kala duwan ee ay Guddiyadda Golaha Wakiilladu la qaadnayeen hay'adaha kala duwan ee ay wada shaqaynta leeyihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM