Wafdi uu hogaaminayo Camey oo booqday deegaano ku yaalla Gobolka Mudug

Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullahi Camey ayaa kor-meer shaqo ku tagey degaanada Godad iyo gacmo-fale ee Gobolka Mudug, isagoo u kuurgalaya xaaladda ammaan iyo midda abaareed ee goobahaas ka jirta.

Waftiga Madaxwayne ku-xigeenka oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada wasaaradaha ganacsiga iyo kaluumaysiga, Xildhibaano iyo saraakiisha ciidamada ayaa kulamo la qaatay dadka deegaanka iyagoo kala hadlayay xaaladda ay ku suganyihiin.

Majirto faah faahin dheeraad ah oo laga helayo ujeedka socdaalkaas, balse warar madax bannaan ayaa sheegaya in wafdiga ay dadka deegaanka kala hadlayeen sidii ay uga shaqayn lahaayeen nabadda gobolka islamarkaana u hirgalin lahaayeen heshiisyadii lagu gaaray magaalada Galkacyo.

Warar ayaa sheegay in socdaalkan mas'uuliyiinta Puntland ay ku weheliyeen xubno ka socda dhinaca Galkacyo iyagoo sidoo kale booqday goobo kale oo gobolka kamid ah.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Xassan Maxamed Khaliif ayaa sheegay in deegaanadaas ay ka.dhaceen shirar looga hadlayo Nabad Galyada deegaanada Puntland iyo Galmudug.

Warar laga helayo socdaalkaas ayaa sheegaya in la doonayo sidii looga dhaadhicin lahaa dadka ku nool deegaankaas in la is dhex dego oo la wadaag daaqsinka iyo deegaanka.

Lama oga sida loo hirgalin doono heshiiskan iyadoo ay dhowr jeer oo hore bur-burtay heshiisyo labada shinac horay uwada gaareen.

Dhawaan qoraal kasoo baxay kulamadii looga hadlayay nabadda gobolka Mudug waxaa lagu sheegay in lagu heshiiyay 10 qofob oo ay ku jirto sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada isku horfadhiya gobolka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM