Wafdiga Jawaari iyo Xaashi oo Casumaad loogu sameeyay Garoowe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Dowladda Puntland ayaa maanta qado sharaf duleedka magaalada Garoowe ugu samaysay wafdiga labada Aqalka ee Barlamaanka Soomaaliya ka socda ee shalay soo gaaray caasimadda Garoowe.

Xafladda ayaa ka dhacday xarun loo dal-xiis tago oo ku taalla duleedka Koonfureed ee Garoowe, waxaana kasoo qayb galay Madaxweyne Gaas, Guddoomiyaha Aqalka sare oo ay weheliyaan qaar kamid ah Senatarada, guddoomiyah golaha shacabka oo ay la socdaan Xildhibaano, qaar kamid ah golayaasha dowladda Puntland iyo xubno kale.

Markii ay soo dhammaaday casumaada, waxaan hadal kooban la siiyay Madaxweyne Gaas iyo Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxayna ka hadleen arrimo kala duwan.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali ayaa ugu horayn sheegay in dowladdu ku faraxsantahay imaanshaha wafdigan isagoo intaas raaciyay in ay joogaan waddankoodii iyo magaalo kamid ah meelaha ay matalaan.

Gaas ayaa sheegay in Puntland ay wakiil ka yihiin Xildhibaanada Aqalka Sare halka ay golaha aqalka hoose xubnaha ku jira ay wakiil ka yihiin shacabta, isagoo ugu baaqay inay qabsadaan wixii waajib ah ee saaran.

Cabdiwali wuxuu intaas raaciyay in laga shaqeeyo midnimada iyo kala dambaynta shacabka Soomaaliyeed isagoo wax lagu farxo ku tilmaamay halka ay maanta Soomaaliya joogto, wuxuuna ugu baaqay dhammaan golayaasha dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada inay ka shaqeeyaan sidii hormarka loo sii ballaarin lahaa.

Guddoomiye Jawaari ayaa hadalkiisa kusoo koobay mahadcelin iyo in si wanaagsan loogu maamuusay Garoowe, wuxuuse carrabka ku dhuftay in Puntland ay ku mahadsantahay martigalinta dadka ka yimid Koonfurta Soomaaliya.

Intaas kadib waxaa isla xaruntaas isku arkay qaar kamid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya kuwaasoo wada qaatay kulan yar oo nasasho iyo waraysi isugu jira.

Wafdi ballaaran ayaa ku sugan Garoowe kuwaasoo u badan Xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliy, waxaana joogisteeda Puntland kusoo aaday xilli uu jiro kala khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, waxayna u ballansanyihiin inay isugu yimaadaan shir ka dhacaya Muqdisho 28 bishan.

Dhinaca kale waxaa kulamo wada-qaatay wafdigan iyo madaxda Puntland iyagoo kawada hadlay sidii arrimaha siyaasadeed ee dalka loo hagaajin lahaa inkastoo aysan jiri natiijo rasmi ah oo kasoo baxday shirar socday ilaa shalay.

Guddoonka ayaa ku dadaalaya inay maamullada Soomaaliya ay ku qanciyaan inay joojiyaan qorshayaasha ay kaga cabanayaan dowladda dhexe maadaama ay iyagu wakiil ka yihiin dowlad goboleedyada iyo shacabka.

Xubnaha ayaa la filayaa inay dib ugu laabtaan Muqdisho maalinta barri ah xilli ay maanta markii ugu horaysay ka qayb galeen furitaanka Kalfadhiga 40aad ee Barlamaanka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM