Wafdigii labada Aqal ee Barlamanka Soomaaliya oo Muqdisho u dhoofay [Dhagayso]

Image

GAROOWE, Puntland- Wafdigii ka socday Barlamanka labada Aqal ee Soomaaliya ayaa galabta ka amba-baxay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana sii sagootiyay Madaxweyne Gaas iyo Guddoomiye Xaashi.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Guddoomiyaha Aqalka hoose, Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa kamid ahaa wafdiga ka yimid Muqdisho ee ka qayb galay Kalfadhiga 40aad ee Barlamanka Puntland kuwaasoo dib ugu laabtay Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland oo saxaafadda kula hadlayay kahor inta aysan xubnahaasi dhoofin, ayaa tilmaamay in safarka wafdigan uu muujinayo niyad sami iyo in dalka uu ka hirgalay nidaamka Federaalka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in labada aqal ee Barlamanka Soomaaliya ay xafiisyo ku yeelan doonaan Puntland.

Guddoomiyaha aqalka sare ee Barlamanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo isna warbaahinta hadal kooban siiyay ayaa socdaalkooda Puntland ku sifeeyay mid loo baahnaa, maadama sida uu xusay dowladda Puntland ay ka kasbadeen fikir aad u wanaagsan oo tusaale lagu dayan karo u noqonaysan maamullada dhismaya.

Booqasho ay ku tageen maanta wasaaradaha Puntland ayuu sheegay inay ahayd mucjiso ay la kulmeen maadama sida uu tilmaamay aad loo dhisay xafiisyada ay ku shaqeeyaan iyo qaabka ay u howlgalaan, isagoo carrabka ku adkeeyay in taas lagu gaari karo kalsooni, nabada iyo is aaminid, wuxuuna mahadcelin u jeediyay dhammaan dowladda iyo shacabka Garoowe sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay caasimadda.

Wuxuu intaas ku daray inay dib usoo noqon doonaan iyagoo ka shaqaynaya sidii dalka loo midayn lahaa islamarkaana talooyinka ay halkaan ka qaadeen ay u gayn doonaan dowladda dhexe.

Dhinaca kale Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa bogaadiyay qaabka ay u wada shaqaynayaan golayaasha fulinta iyo sharci dajinta, isagoo intaas raaciyay inuu aad ugu riyaaqay sida loo tixgaliyo odoyaasha dhaqanka oo ay bud-dhige ugu yihiin dhismaha dowladda.

Shacabka Puntland ayuu ku ammaanay sida ay ugu heelanyihiin una taageereen dowladooda iyagoo ay ka go'antahay dhismaha deegaanadooda iyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuuna xukuumadda ugu baaqay inay u gudbiyaan khibradooda maamullada kale ee Soomaaliya.

Mar labaad Jawaari ayaa xusay in safarkooda uusan noqon doonin markii ugu dambaysay ee ay soo noqon doonaan, sidoo kale socdaal ku mari doonaan maamullada kale ee dalka.

Booqasho qaadatay saddex casho ayaa wafdigani ku joogeen magaalada Garoowe oo ay yimaadeen ka qayb galka furitaanka Kalfadhiga 40aad ee Barlamanka Puntland, waxaana taas bar-bar socday kulamo ay la yeelanayeen golayaasha dowladda taasoo ku aadan xallinta khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamullada Soomaaliya.

Waa markii ugu horaysay wafdi kasocda labada Aqal ay soo gaaraan Garoowe, waxayna kusoo beegantay maalmo kahor inta aysan shir isugu imaana DFS iyo madaxda dowlad goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM