Madaxda maamullada oo gaarey Garoowe xili ciidamo ay gadood sameen

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxwayneyaasha maamuladda Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Aadan iyo Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaarey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan oo uu garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyeen Madaxwaynaha waqtigu ka dhamaaday ee Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] ayaa loo gudbiyey dhinaca madaxtooyadda.

Hogaamiyaashan ayaa lagu wadaa inuu caasimad goboleedka Nugaal uu uga furmo shirka Madasha Iskaashiga Maamul goboleedyadda, kaasi oo ay ku gorfayn doonan siyaasadda, amniga iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] oo aanan wali gaarin Garoowe ayaa la filayaa inuu kasoo kicitamo dhinaca Galkacayo, isaga oo udhoofi doono xarunta Puntland si uu shirka ugu biiro.

Amaanka magaalada ayaa si wayn loo adkeeyay xili maanta qayb kamid ah caasimada Puntland ay la wareegeen ciidamo ka gadoodsan mushaar la'aan muddo todoba bilood ah, inkasta oo kolkii dambe lagu guuleystay in la kala qaaday.

Shir madaxeedkani oo uu qorshuhu yahay inuu maanta oo Sabti ah si rasmi ah uu ufurmo ayaa waxaa nan la qayb-galaynin madaxwaynaha HirShabelle, Maxamed Waare, kaasi oo dhowr jeer qaadacay.

Mr Waare ayaa ka goostay madasha, kadib markii uu heshiis la galay dowlada Federaalka, isaga oo sidoo kale ku dhawaaqay inuu ka baxay baaqii Kismaayo ee xiriirka loogu jaray Villa Soomaaliya.

Lama ogga hadii qodobada ay shirkaan uga hadlayaan madaxda maamuladda uu qayb ka yahay go'aan ay ka qaataan xubinnimadda dowlad goboleedka HirShabelle, maadaama wali aysan caddeynin mowqifkooda.

Shirkaan ayaa imaanaya xili cilaaqaadka udhaxeeya maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe uu gaarey heerkii ugu hooseeyay, inkasta oo haatan ay socdaan dadaalo uu wado Aqalka Sarre oo la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadaha taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM