Waqtiga la fulinayo xukunka kiiska Caasha Ilyaas oo la shaaciyey

Image

GAROWE, Puntland – Xeer-ilaalinta Puntland ayaa Axada maanta ah shaacisay in 11/02/2020 marka ay saacaddu tahay 8:00 subaxnimo la fulinayo xukunka dilka toogashada ee kiiska Caasha.

Maxamuud Xasan Aw-Xirsi, xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda, ayaa wariyeyaasha u sheegay in qisaasta lagu fulin doono Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Gal-dacwadeedkan oo saddex qof ay xukumaneyaal ka yihiin ayaa ku saabsan kufsi wadareed iyo dil ka dhacay Gaalkacyo, magaala madaxda gobolka Mudug, bishii Febraayo sanadkii 2018-kii.

Xukumaneyaasha oo laba kamid ah ay yihiin walaalo ayaa lagu kala magacaabaa; Cabdifitaax C/raxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

Xukunka dilka toogashada ah ayaa waxaa ku riday Maxkamadda Darajadda koowaad ee gobolka Nugaal, taariikhdu markay ahayd 12-ka bishii May, sanadkii hore 2019.

Maxkamadda Rafcaanka ee isla gobolka ayaa 30-ka June, 2019 waxay ayiday go’aanka Maxkamadda Darajadda Koowaad.

25-ka bishii August, 2019, Maxkamadda Sarre ee Puntland ayaa go’aanka ugu dambeeya kasoo saartay kiiska iyaddoo raacday xukunadii hore.

Caasha Ilyaas Aadan oo ahayd gabar yar ayaa falka foosha xun ee lagula kacay waxaa carro xoogan ka muujiyey shacabka Soomaaliyeed.

Kiiska Caasha Ilyaas Aadan oo taariikh cusub kusoo kordhiyey Soomaaliya ayaa noqday galkii ugu horeeyay ee xukunkiisa lagu saleeyay habka casriga ah ee baaritaanka tacadiyada jinsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM