Puntland iyo Jubaland: DF ma diyaarin karto doorasho qof iyo cod ah

Image

BOOSAASO, Puntland - War-murtiyeed rasmi ah ayaa maanta oo Isniin ah waxaa laga soo saarey Shirkii Iskaashiga Puntland iyo Jubaland ee ka socday magaaladda dekada lah ee Boosaaso, oo ah xarunta gobolka Bari.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, dowlad goboleedyadan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ayaa isla qaatay in xukuumadda haatan talada haysa aysan dalka ku hagi karin doorasho qof iyo cod ah, 2020-21.

Doorashooyinka ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxaa laga muujinayaa shaki baaxad weyn markii maamulka Farmaajo lagu eedeeyay in geedi-u-socodka loo marayo isku koobay.

Beesha Caalamka adkeysay in ay muhiim tahay in doorasho ay dalka ka dhacdo sanadka dambe ayaa ugu baaqay Villa Soomaaliya in ay wada tashiyo la yeelato saamileyda oo ay maamuladu ku jiraan.

Dhanka kale, Puntland iyo Jubaland oo qiray in hanaanka loo qabyo tirayo dastuurka ay dhinac marsan tahay sharciga ayaa soo jeediyay shir wada tashiyo oo lagu gorfeeyo arrimaha masiiriga ah.

"Waxay ka dhigeen khatarta ka dhalan karta in dhaqaalaha lagu helo magaca Soomaaliya lagu bixiyo dano siyaasadeed oo wax u dhimi karta xasiloonida dalka," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Iyagoo iskaashi la yaalanaya maamulada kale, waxay isla garteen in xal loo helo caqabado "ka imaanaya" dowlada federaalka oo ku aadan hirgelinta nidaamka federaalka ee dalka ka tisqaaday.

Aqalka Sare ee federaalka ayaa lagu tartarsiiyey in uu ka shaqeeyo isu keenista dowlada iyo maamulada si loosoo afjari ismaandhaafka ka jira dhanka shuruucda "sida sharci darada ah lagu ansixiyey".

Gunaanudka, iyagoo ku waaniyey dowladda federaalka joojinta faragelinta maamulada, siyaasadeynta mashaariicda horumarinta iyo xayiraada Jubaland, waxay caalamka kaga bogaadiyeen kaalintooda horumarka dalka.

Hoos ka akhriso warka qoraalka ah

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM