Wariyaha VOA ee gobolka Bari oo maxkamadda looga yeeray!

Image

May 27, 2015 (GO)- Wariyaha VOA ee gobolka  Bari Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa looga yeeray maxkamadda gobolka Bari.

Faadumo Yaasiin ayaa Garowe Online u sheegtay inay soo gaartey farriin ka timid guddoomiyaha maxkamadda racfaanka ee gobolka Bari Axmed Cali Axmed, kaasoo ku wargeliyey inay subaxda Arbacada timaado maxkamadda.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo sababta, balse waxaa loo badinayaa in arrintani salka ku hayso waraysi labo maalmood kahor VOA-du la yeelatay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaasoo uu kaga hadlay tayada hay'adaha garsoorka.

Wariye Faadumo ayaa wax lala yaabo ku tilmaantey in maxkamadda looga yeero iyadoo aan loo sheegin wax sabab ah, waxay sidoo kale nidaam darro ku tilmaantey amarka kasoo baxay maxkamadda racfaanka.

" farriin gaaban ayaa moobilka la iigu soo direy, waxaa la ii sheegay inaan Arbacada imaado maxkamadda...waa wax lagu qoslo in maxkamadda racfaanku ii yeerto sabab la'aan" ayey tiri.

Waxaa socda dadaal ku aaddan sidii arrintan xal loogu heli lahaa kaasoo ay wadaan wariyeyaasha gobolka Bari. Xarunta taliska booliska gobolka Bari waxaa xilligan ka socda kulan u dhexeeya bahda saxaafadda gobolka Bari iyo saraakiisha booliska.

Madaxweynaha Puntland ayaa labo maalmood kahor sheegay in dowladdu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto warbaahintii loo arko inaysan dhex dhexaad ahayn. Waraysi uu siiyey idaacadda VOA ayuu sidoo kale ku sheegay inay jiraan qaybo kamid ah warbaahinta oo wareysta mucaaradka keliya islamarkaana baahiya dacyaadaha ka dhanka ah dowladda, arrintaasina tahay mid aan loo dulqaadan karin. HALKAN KA EEG

Arrintan ayaa kusoo aadaysa saddex maalmood kaddib markii magaalada Garowe lagu xirey labo wariye oo ka tirsan Radio Daljir. Sababta wariyeyaasha loo xirey ayaa ahayd kadib markii uu idaacadda ka baxay barnaamij dood ah oo lagu falanqeeyey waxqabadka xukuumadda Madaxweyne Gaas iyo dhaliilaha dadku usoo jeedinayaan. HALKAN KA EEG

Sidoo kale, waxaa todobaadkii hore muddo kooban shaqada laga joojiyey wakiillada Telefishinka SNTV u jooga Puntland, kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku eedeysey in telefishinku baahiyey warbixin liddi ku ah qaabka Puntland u qaabishey qaxootiga ka imaanaya Yemen. HALKAN KA EEG

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM