​Wariye Cumar Dheere oo Damaanad lagu sii daayay

Image

GAROWE, Puntland- Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Nugal ayaa maanta dammaanad kusii daysay Wariye Cumar Maxamed Cumar Dheere oo muddo 6 casho ah ku xirnaa Kantaroolka Koonfureed ee magaalada Garowe.

Maxkamadda ayaa sii daynta Wariyahan u adeegsatay qodobo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen inaysan jirin dacwad la keenay maxkamadda iyo in muddo ka badan 48 saac ah lagu horkeenin sharciga.

Majirin dacwad iyo eedayn loo haystay Wariyaha, waxaana Maxkamaddu amartay in la sii daayo Suxufiga iyadoo muddo saddex casho ah u qabatay dadka xirtay inay isa soo cadeeyaan.

Qaar kamid ah Wariyaasha Garowe, iyo ururka MAP ayaa ka qayb qaatay in lasoo celiyo xorriyada Wariyahan oo la tuhmayo inuu u xirnaa Madaxtooyada Puntland, kadib markii uu ka hadlay arrimo ku saabsan murarnkii ka taagnaa lacagta Shilling Somaliga.

“Aad baan ugu faraxsanahay in la ii soo celiyo Xorriyadayda, si wanaagsan ayay ilaa dhaqmeen qoladii xasbiga, balse ma garan karo sababta aan intaas maalmood xorriyad darrada u ahaa anoo aan garan karin cidda iga qaaday,” Ayuu yiri Cumar oo la hadlay GO.

Dhinaca kale ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP, ayaa ka hadlay sii daynta Cumar Dheere, waxayna u mahadceliyeen maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Nugal iyagoo ku ammaanay sida wanaagsan ee ay u ilaalisay sharciga waddanka.

Waxay ka digeen in aan lagu tuman waqti kasta xuquuqda qofka iyagoo walaac ka muujiyay xariga is-daba jooga ah ee ay ku kacayso xukuumadda Puntland.

Maaha markii ugu horaysay ee xabsiga la dhigo Wariye ku sugan magaalada Garowe, xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas ayaa dhowr jeer oo hore xorriyada ka qaaday Wariyaal dhor ah mana jirin cid maxkamad lasoo taagay dhammaantood.

Gaas ayaa ololihii doorashada Puntland ku galay inuu dhowr doono xuquuda shacabka iyo xorriyada hadalka isagoo waqtigaas ku andacoonayay inuu ka yimid waddan Dimuqraadi ah oo laga ilaaliyo sharciga, balse taas badalkeeda waxay noqotay in Idaacado la xiro, Websites hawada laga saaro islamarkaana Wariyaal Jeelka la dhigo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM