Wariyeyaashii Garowe lagu xirey oo saaka lasoo daayey

Image

May 24, 2015 (GO)- Waxaa dib xoriyaddooda u helay labo wariye oo ka tirsan Idaacadda Daljir, kuwaasoo shalay ciidamada boolisku xireen.

Agaasimaha Daljir Garowe Cabdiraxmaan Gaardi iyo Tafatire Jamaal Faarax ayaa lasoo daayey saaka abbaare 9:00kii waqtiga Geeska Afrika.

Ururka MAP oo kaashanaya mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garowe ayaa ku guuleystey in labadaas saxafi dib xoriyaddooda loogu soo celiyo.

Dhanka kale, Jamaal Faarax Aadan oo Garowe Online la hadlay ayaa sheegay in amarka lagu soo xirey toos uga soo baxay madaxtooyada.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay dalbadeen in loo sheego sababta lagu soo xirey iyo  dambiga ay galeen haddii kale aysan ka tegi doonin saldhigga booliska.

" anagu xoolo ma nihin marna layska xirayo marna la sii deynayo...xaq waxaan u leenahay in naloo sheego cidda nasoo xirtey, sababta naloo soo xirey iyo weliba dembiga aan galnay..." Jamaal ayaa sidaas yiri.

Dood dheer kadib, waxaa lagu heshiiyey in maalinta berri ah xarunta Wasaaradda Amniga ay ku kulmaan xubno ka socda ururka saxafiyiinta MAP, mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga iyo saraakiil ka socda madaxtooyda, si arrintan looga wada hadalo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM