Wasaaradda Arrimaha Gudaha PL oo yeelanaysa xarun cusub

Image
Image
Image
Image

June 3, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garowe ka dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelanayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Xaflad kooban oo loo qabtay dhagax dhiga xaruntaas ayaa waxaa ka soo qeyb-galay wasiirro, agaasimayaal katirsan wasaaradaha Puntland qeybtood, haween, dhallinyaro , waxgarad iyo mas'uuliyiin kale , kuwaasi oo diyaar garow ugu jiray ka qeyb-galka munaasabadda dhagax dhiga.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inay muhiim tahay in wasaarad kasta ay hesho deegaan wanaagsan oo ay ku shaqayso.

"waa muhiim inaan isku filaansho gaarno oo dhammaan hay'adaha dawliga ah helaan meelo munaasib ah oo ay ku shaqeeyan '' ayuu yiri.

Madaxweynaha  ayaa tilmaamay in barnaamijkaan uu kamid yahay Barnaamijka isku tashiga Puntland ee la qorsheeyey in shacabka iyo dawladuba iska kaashadaan dhismaha kaabayasha dhaqaalaha ee dalka , si loo gaaro horumar la taaban karo.

Qaar badan oo kamid ah wasaaradaha dowladda Puntland ayaa ku shaqeeya xarumo kiro ah, waxaana socda dadaal ku aaddan sidii dhammaan wasaaraduhu xarumo gaar ah u yeelan lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Hoggaamiyaha Daacish oo La La’yahay Iyadoo Kooxdiisa looga adkaadey Dagaalka Cal-Miskaad  

Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii hore si maldahan u sheegay in Muumin laga yaabo in la dilay.

  • Puntland

    22-10-2025

  • 06:06PM

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM