Wasaaradda Deegaanka Puntland oo gaadiid siisey afar degmo

Image

June 6, 2015 (GO)- Wasaaradda Deegaanka Puntland ayaa maanta gaadiid ku wareejisey afar degmo oo ka tirsan gobollada Karkaar, Nugaal, Mudug iyo Haylaan, kuwaasoo kala ah: Qardho, Eyl, Jarriiban iyo Dhahar.

Gawaaridan oo tiradoodu afar tahay islamarkaana noocoodu yahay Toyota Hilux waxaa ku deeqay Midowga Yurub oo soo marsiiyey Hay'adda Care International. 

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa kasoo qayb galay xafladd lagula kala wareegayey gaadiidkaas oo ka dhacday isla xarunta Wasaaradda Deegaanka.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay Wasiirka Deegaanka Guuleed Saalax isagoo sheegay in gawaaridani hordhac u yahay kuwo badan oo loo qaybin doono degmooyinka. Wuxuuna intaas ku daray in afarta gaari ee maanta la bixiyey ay horay Wasaaradda Deegaanku u ballan qaadey.

Guddoomiyeyaasha gobollada Haylaan iyo Mudug oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Deegaanka, waxayna ballan qaadeen in gawaarida lagu wareejiyey ay dhaqaaleyn  doonaan islamarkaana looga faa'iideysan doono sida loogu talo galay.

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM