Joocaar: " la dagaalanka jiriifka waa in layska kaashadaa"

Image

October 8, 2014 (GO)- Wasarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland ayaa ka hadlay cabashada ka imaanaysa kalluumaysatada xeebaha degmooyinka Garacad iyo Jariiban ee ku aadan maraakiibta iyo doomaha sida sharci darrada ah uga kalluumaysta badaha Puntland.

Agaasimaha guud ee wasaradda Kalluumaysiga Cabdiwaaxid Maxamed Xisri (Joocaar) oo maanta la hadlayay Radio Garowe ayaa sheegay in wasaaradda lasoo gaarsiiyey cabashada ka imaanaysa kalluumaysatada xeebaha degmada Jiriiban ee gobolka Mudug.

Joocaar ayaa intaas raaciyey soo afjaritaanka kooxaha jariifka xoogan ku haya xeebaha Puntland  u baahan tahay iskaashi dhexmara shacabka iyo dowladda, wuxuna tilmamay doonyo ka socda dalalka Yemen, Spain iyo Iiraan inay si sharci daro ah xeebaha uga kalluumaystaan.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa horay u sheegay inay masiibo qaran tahay xaalufka badaha Puntland lagu hayo haseyeeshee ilaa iyo hadda tilaabo muuqata lagama qaadin kooxaha jariifka wada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM