Wasiir hore oo isku day dil kaga badbaaday magaalada Boosaaso

Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Qarax ka dhashay miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa Axadda maanta ah wuxuu ka dhacay Boosaaso, xaruta gobolka Bari.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarka ayaa lala beegsaday gaari uu watay mas'uul xilal ka soo qabtay Puntland.

"Qaraxa wuxuu dhacay iyadda oo gaariga uu marayey xaafada New Boosaaso, laamiga afar irdoodka kuna dhow huteelkii hore ee Ramaada," ayuu yiri saxafi u waramay GO.

Gaariga oo noociisa warar kala duwan ay kasoo baxayaan ayaa miinada ka haleeshay qeybta dambe, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal meesha ka akdhowaa.

Inta la xaqiijiyay hal ruux oo la sheegay in uu yahay askari ilaalo u ahaa wasiir Shire Xaaji Faarax ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi oo jugtiisa aad loo maqlay.

Faarax ayaa wuxuu soo noqday Wasiirka Qorsheynta iyo Maaliyadda dowladda Puntland gaar ahaan mudadii uu xafiiska joogay madaxweyne Cabdiwali Gaasi.

Kahor inta aan xilalkaasi loo magacaabin, wuxuu sidoo kale ahaa murashax kamid ah kuwii ka qeyb-gashay doorashadii uu kusoo baxay Gaas.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay mas’uuliyadda falkan balse dagaalameyaasha Daacishta Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa kawada howlgala magaalada.

Qaraxan ayaa kusoo beegmayaa iyadda oo dhowaan magaaladda lagu xukumay shaqsiyaad lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin labadaasi koox si lamid ah xubno kale oo loo haystay dilkii maareeyihii P&O.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM