Wasiir ka tirsan Xukuumada Gaas oo tageerey siyaasada dalka Qadar ee Soomaaliya

Image

GAROWE- Wasiiru dowlaha Wasaarada Warfaafinta maamulka Puntland Ashkir Nuur oo maqaal uu ugu magac darey ‘Maxay Ka Dhigantahay In Qadar soo Dirsato Safiir Sare” ayaa kaga hadlay faa’idada dalka Soomaaliya u leedahay in diblomasigaan loo soo magcaabo iyo arimo kale.

Ashkir Nuur ayaa sheegey in sababta dowlada Qadar talaabadan u qaadey tahay go’anka dhexdhexaadnimo ay dowlada Federaalka Soomaaliya qaadatey taasoo u keeni karta faa’aido ah in dib loo dhiso kaabayasha dhaqaale ee dalka.

“ Waxaan oran karaa dalka Qatar in uu Soomaaliya u arkay in uu yahay dal muhiim ah,loona baahanyahay in siyaasadiisa si dhow loo darso,hardanka iminka jirana kaalin buuxda laga galo,waana markii ugu horraysay dal carbeed uu soo dirsado safiir Sare, Soomaaliya -ka sakow- in ay tahay dhul dihin,misana waa meel istiraatiiji ah,waa goobta 7-da badood ee dunida laga xukumo sida uu yiri "Alfred Thayer Mahan" oo ahaa khabiir American ah oo ku xeel-dheeraa Istiraatiijiyadda,dhintayna 1914-kii,wuxuuna yiri "qofkii bad weynta India hanta, dhammaan badaha dunida inteeda kale isaga ayaa ka ariminaya". 

Ashkir Nuur ayaa qoraalkiisa ku xiriirey in khilaafka hadda ka dhextaagan Gudoomiyaha Barlamanka iyo Ra’isal wasaraha Soomaaliya uu sababey heshiisyo lala saxixdey wadamo shisheeye taasoo la filyo safiirka la magacaabey in dhinacyada is-haya mid ka takhaluso.

“Sida aynu wada ogsoonahayba maalmahaan dambe waxaa jiray khilaaf xooggan oo golayaasha dowladda federalka ah ka dhex-aloosnaa,gaar ahaan guddoomiyaha golaha shacabka iyo raysul wasaaraha,waxaana laysku qabtay arimaha heshiisyada qalaad oo ay ka mid yihiin: dekedaha,iyo khilaafyo kaloo soo jiitamayay. magacaabida safiirkaan sarena waxay ka dhigantahay in labada dhinac ee is-haya la rabo midkood in si dhaqsa ah loo tuuro,waxayna ku xirantahay awoodaha la isticmaalo.”

Ashkir ayaa dhinaca kale dowlada Federalka kula taliyey iney ku dhaqmaan siyaasada dalalka Cumaan, Sudaan iyo Turkiga ka qaateen khilaafka Khaliijka. Dalka Turkiga ayaa xulofo la ah dalka Qadar isagoo dhowaan ka furtey saldhig ciidamada kasoo ku beegmey kadib markii wadamada Sucuudiga iyo Imaraadka go’doomin galiyeen Doha.

Ashkir oo horey u soo noqdey agaasimaha Talifishinka Puntland ayaa shaqada laga eryey kadib markii lagu soo eedeeyey musuqmaasuq iyo xilgudasho la’aan.

Wasiiru dowlahaan oo kamid waxbarshada heerka Jamacadeed ku soo qaatey dalka Suudaan ayaa muddo kooban la shaqeeyey talefishinka Al-jazeera halka isagoo aad ugu dhow Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas ayaa horey u eedeyey siyaasada dalka Qadar ee ku aadan Soomaliya isagoo sheegey in Puntland xiriir dhow la leedahay dalka Imaaraadka Carabta kaasoo xiriir ganacsi la leh mandiqadaan.

 

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM