Wasiir ka tirsan xukuumadda Puntland oo hortegay baarlamaanka

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda dowladda Puntland, Maxamed Cabdi Cismaan [Majiino], ayaa Arbacada maanta ah wuxuu hortegay mudaneyaasha baarlamaanka.

Fadhigaan ay soo xaadireen 44 xubnood ayaa waxaa u dhamaa shir-gudoonka – Afhayeenka iyo labadiisa ku xigeen – Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame.

Ajendaha kulankaan ka qabsoomay xarunta golaha ee Garowe wuxuu ahaa; dib-u eegista heshiiska shirkada DP World ee Dekadda Boosaaso.

Xildhibaanadda ayaa fursad u helay in ay su'aallaan wasiirka, kaasoo ka jawaabay waydiimaha kaga yimid mudaneyaasha fursada helay.

Bishii June ee sanadkii hore 2019-kii ayay ahayd markii baarlamaanka Puntland ansixiyey dib u eegista heshiiskan uu April, 2017-kii saxiixay madaxweynihii hore ee Puntland, Dr Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas].

Dhanka shirkaddan laga leeyahay Imaaraadka Carabta waxaa heshiiska qalinka ugu duugay maamule Suldaan Axmed Bin Suleyman.

Iyaddoo mashruuca loo qoondeeyay 336 milyan oo Doolar, nuxurka heshiiskaas ayaa wuxuu ahaa balaarinta iyo casriyeynta marsadda.

Bishii July ee 2017-kii ayuu meelmariyey baarlamaankii ka horeeyay kan waqti xaadirkan shaqeynaya, balse tirro mudaneyaal ah waxay soo jeediyeen in dib loogu noqdo maadaama uusan wali fulin heshiiskaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM