Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Image

MUQDISHO - Soomaaliya ayaa mar kale gashay xaalad siyaasadeed oo cakiran ka dib markii uu khilaaf xooggan ka dhashay isbeddelada dastuuriga ah iyo hannaanka doorashooyinka ee dalka.

Xasaraddan oo billaabatay bishii June ee sanno kan 2026-ka, ayaa isu beddeshay iska horimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo maleeshiyooyin taabacsan mucaaradka, taas oo walaac xooggan gelisay bulshada caalamka.

Khilaafka ayaa salka ku haya qorshaha dowladda ee ah in muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka laga dhigo shan sano, iyo in nidaamka beelaha ee dadban lagu beddelo nidaamka qof iyo cod.

In kasta oo isbeddelkani u muuqdo tallaabo loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda, haddana mucaaradku waxay ku doodayaan in habka loo maray uu yahay mid aan sharciga waafaqsanayn oo aan lagala tashan xisbiyada iyo qaybaha bulshada.

Falanqaynta hay'adda Observer Research Foundation (ORF) ayaa tilmaamaysa in xasillooni-darrada hadda ka taagan Soomaaliya ay khatar weyn ku tahay amniga guud ee gobolka Geeska Afrika.

Arrimaha ugu waaweyn ee laga cabsi qabo waxaa ka mid ah kobaca ururka Al-Shabaab, kaas oo mar kasta ka faa'iideysta marka ay dareenka iyo khayraadka dowladda u weecdaan khilaafaadka iyo dagaallada gudaha. Sidoo kale, xaaladdan waxay horseedi kartaa qulqulka qaxootiga, kordhinta burcad-badeednimada, iyo khataro dhanka xadka ah oo soo wajaha dalalka deriska ah sida Itoobiya iyo Kenya.

Khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya dowladda federaalka ee Muqdisho iyo dowlad-goboleedyada dalka ayaana sii kordhiyay cabsida laga qabo in dalku u kala jabo dhinacyo iska soo horjeeda.

Ugu dambeyntii, Soomaaliya waxay hadda taagan tay meel miis u ah mustaqbalkeeda, waxayna dooran kartaa inay raacdo waddada dib-u-habaynta ee u baahan wada-hadallo dhab ah iyo tanaasul, ama inay sii waddo jihada hadda socota ee halis gelinaysa midnimada dalka.

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin, iyadoo tusaale looga dhigay burburkii iyo dhibaatooyinkii ka dhacay waddankii Yugoslavia iyo dalka Afghanistan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM