Wasiiraddii hore ee Wasaaradda Dastuurka PL oo xilka wareejisey

Image

March 1, 2015 (GO)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimha Federaalka Puntland Sahro Siciid Nuur ayaa maanta si rasmi ah xilka u wareejisey kaddib markii ay is-casishey bil kahor.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, waxaana xilka si kumeel gaar ah ula wareegey wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil.

Marwo Sahra oo xafladda xil-wareejinta ka hadashay waxay si kooban uga warbixisey waxyaabihii u qabsoomey muddadii halka sano ahayd ee ay jirtey iyadoo sheegtay in horumar la sameeyey balse weli wax badan oo dhimani jiraan.

Dhanka kale, mar warbaahintu wax ka weydiisey sababaha keenay inay shaqada ka tagto waxay sheegtay in uusan jirin wax khilaaf ah oo soo kala dhex galay iyada iyo Madaxweyne Gaas balse si iskeed ah iyadu go'aan ugu gaartey inay is casisho.

"arrimo aniga si gaar ah iila soo darsey ayaan isu casiley, laakiin runtii ugama tegin wax kale, waana la shaqeyn doonaa dowladda...muwaadin reer Puntland ah baan ahay qof Soomaali ah baan ahay, dowladda kaliya maaha siyaabo kale oo bulshada lagu caawiyo ayaa jira" ayey tiri.

Garowe Online ayaa ahayd warbaahintii ugu horreysey ee baahisey  is-casilaadda Sahro Siciid Nuur iyo weliba xogta la xiriirta sababaha keenay inay shaqada ka tagto.

Ilo-wareedyo madaxtooyda Garowe ka agdhow ayaa Jan 24, 2015 Garowe Online u xaqiijiyey in Madaxweynaha iyo Marwo Sahro khilaaf xooggani soo kala dhex galay kadib markii Madaxweynuhu soo farageliyey arrimaha hoose ee beesha ay iyadu kasoo jeeddo.

Barnaamijka dimuqraadiyeynta Puntland oo xukuumadda Cabdiwli Gaas horey u ballan qaaddey inay sii dardar gelin doonto ayaa u muuqda mid aan muddo sanad ah wax horumar ah sameyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM