Wasiirka Dekedaha "210 milyan ayaa ku baxaysa mashruuca dekedda"

Image

June 2, 2015 (GO)- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax ayaa faah faahin ka bixiyey mashruuca lagu dhisayo dekedda magaalada Bosaso kaasoo lagu wado inuu bilowda bisha September ee soo socota.

Wasiirka ayaa sheegay in mashruuca ay fulin doonto shirkad lagu magacaabo Divers Marine Contracting L.L.C, islamarkaana uu ku bixi doono adduun lacageed oo gaaraya $210, 000, 000 (labo boqol iyo toban milyan oo doolar)

Dib-u-habayn iyo ballaarin ayaa lagu sameyn doonaa qaybaha dekedda, waxaana lagu soo kordhin doonaa hoolal lagu kaydiyo badeecooyinka, qaybta la dhigo konteenarrada, wiishashka qaada konteenarrada, qaybta kaydka shidaalka iyo xafiisyo maamul.

NAQSHADDA LOO DHISAYO DEKEDDA:

Naqshadda Dekedda Bosaso

May 29, 2015 ayaa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyeen Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Dekeduhu wuxuu madaxtooyada Bosaso ku daah furay mashruuca lagu dhisayo dekedda.

Dowladdu wax tafaasiil ah kama bixin muddada uu qaadan doono mashruucu iyo weliba muddada shirkaddaasi hayn doonto maamulka dekedda. Divers Marine Contracting L.L.C ayaa ah shirkad dhowaan la asaasay, waxaana iska leh ganacsade Falastiini ah balse deggen dalka Imaaraadka Carabta.

Waxaa xusid mudan in horay qorshuhu u ahaa in mashruucaas lagu wareejiyo Shirkadda DP World oo iyadu ah shirkad caalami ah kana shaqeysa in ka badan konton dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Baareysa Duqeyn Diyaaradeed oo Lagu Dilay Oday Dhaqameed Gobolka Sanaag

Qoyska marxuumka ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku eedeynayay in odaygu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.

  • Puntland

    15-09-2025

  • 07:02AM

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM