Wasiirka duulista PL oo hortaagan dhismaha garoonka Garowe

Image

Isniin, September 22,2014 [ GO]- Magaalo madaxda Puntland ee Garowe waxa soo gaarey 17 Sept, 2014 Injineero ka socda shirkada Nabeel Abdul-Raheem Consultant "NARCO" oo horey hay'ada Kuwait Fund iyo dowladii Madaxweynihii hore Cabdiraxman Farole u siiyeen iney soo diyaariso qaab dhismeedka, qiimeynta iyo qandaraas bixinta cidda dhisi doonta garoonka diyaaradaha ee Garowe.

Injineeradu waxay keeneen howshii loo direy oo dhameystiran "Preliminary Design Report and Cost Estimate" waxayna Dowladda oo uu matalayo Wasaiirka Duuliska Hawada iyo Garoomada Puntland Ing. Xasan Xaaji Siciid "Xasan Cade" usoo bandhigeen dhammaan kharashka iyo qaab dhismeedka uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Garowe. 

Wararka soo gaaraya warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in kulankaan oo ay ka qayb galeen Wasiiraka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, agaasimayasha Wasaarada iyo odayaal ka tirsan degaanka Nugaal loogu riyaaqay dhammaan warbixinihii ay soo bandhigeen Injineeradii ka socday shirkada NARCO.

Shirkada NARCO oo hay'ada Kuwait Fund kala talisa dhismaha Garoonka diyaaradaha ee Garowe iyo Jaamacada Baran ayaa kulankaas kadib ka codsatey Wasiirka Duulista Hawada Puntland inuu saxiixo aqbalaada warbixintii uu ka dhageystey Injineerada si loo dardargaliyo loona bilaabo howlaha Garoonka.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Duulista ka cudur daartey inuu goobta ku saxiixo inuu aqbaley dekumentigii uu ka dhageystey Injineerada ka socdey shirkada NARCO balse sheegey inuu dib kasoo diri doona taasoo ka fajicisay dhammaan dadkii meesha joogey iyo wakiilladii Kuwait Fund.

Go'aanka Wasiirka ayaan la ogeyn in Madaxweynaha Puntland oo la kulmey Ingineerddaan intii aysan qoraalka warbixinta so gudbin wax ka ogayhay iyo inkale iyadoo ay jirto cabsi la qabo in la fashiliyo dhismaha Garoonkan oo ay ku deeqdey dowlada Kuwait.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM