Weerar askar lagu beegsaday oo ka dhacay magaaladda Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Ugu yaraan laba askari ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhaawacantay ka gedaal markii Miino ay la kacday kolanyo ay la socdeen oo mareysay xaafada Al Raxma ee magaalada Boosaaso.

Weerarkan arbushaad ah oo lasoo wariyey fiidnimadii Khamiista ayaa noqonaya mid kamida falalkii ugu dambeeyay ee lidiga ku ah amniga caasimada gobolka Bari ee ka dhaca halkaas.

Taliska Booliska xarunta ganacsiga Puntland ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in askarta waxyeeladu soo gaartay lagu daaweynayo Isbitaalka guud ee magaaladda.

"Haatan khasaaraha askarta ayaan hubinay. Balse, ma garan karno hadii rayid wadada marayey ay waxyeelo soo gaartay mana filayno," ayuu talisku ku yiri qoraal kooban oo uu GO u soo diray.

Ciidamada la beegsaday ayaa ku guda jiray howlgal si joogto ah uga sameeyaan gudaha magaalada, kaasi oo hadafkiisu yahay in la adkeeyo nabad-gelyadda magaaladaan ku teedsan gacanta cadmeed.

Maleyshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish ayaa qulqulatooyin khal-khal gelinaya amaanka ka geysta Boosaaso, wallow dowladdu ay dadaal ugu jirto sidii ay uga takhalusi lahayd.

Xukuumada oo sheegtay in ay ahmiyada koowaad siineyso amniga iyo ciribtirka argagixisada ayaa fulita qorshahaasi ka bilowday Boosaaso xili todobaadkii la furay saldhigi cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM