Xabsiga Puntland oo laga sii daayey maxaabiis ka tirsan Al-Shabaab

Image

Dec 15, 2014 [GO]- Wararka warsidaha Garowe online ka helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in xabsiga magaalada Garowe laga sii daayey xubno sare oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Labadaan Maxbuus oo magacayooda la kala yiraahdo Cabdirizaq Xuseen Tahliil (Ilkacase) iyo Maxamad Nuux Adan (Abu  Xafsa) ayaa Maxamada darajada Kowaad ee Ciidamada qalabka sida Garowe ku xukuntey March 2, 2013 xukun dil ah kadib markii lagu qabtey iyagoo qaraxyo sita.

Ciidamada Amniga Puntland ayaa sanadkii 2012 xog ay heleen waxey ku qabteen Maxamad Nuux Adan ( Abu Xafsa) oo dhalasho ahaan kasoo jeeda gobolada Woqooyi Galbeed ee Somalia kuwaasoo hadda loo yaqaan Somaliland isagoo gaari u saaran magaalada Hargeysa. 

Kadib markii Ciidamada amniga Puntland gacanta ku dhigeen taleefanka Maxamad Nuux Aadan "Abu Xafsa" ayaa waxaa lasoo hadley Cabdirizaq Xuseen Tahliil sida Xeer ilaaliyaha dambiga kusoo oogey ka akhriyey Maxkamada horteeda. Cabdirizaq Talhliil ayaa weydiiyey sarakiisha Ciidamada amniga oo gacanta ku haya Taleefanka Abu Xafsa nooca qalabka qaraxa ee loo baahan yahay isagaoo sheegey inuu isugu jiro mid yar-yar iyo mid weyn.

"Tahliil waxaa uu welwel ka muujiyey inuusan imaan karin Astaanka Gawaarida ka baxdo madaama laga yaqaano isagoo codsadey iney u fiican tahay halka kala barta Woqooyiga iyo Koonfurta Galkacayo, gaar ahaan xaafada Baraxley, waxaana ku qabaney halkaas isaga oo Garyoolka la jiido ku sida qaraxyadaan dhamaantood." sidaas waxaa Maxakamada ka hor akhriyey Xeer Ilaaliyihii dambiga kusoo oogayey dambiilayashaan. Halkan ka dhageyso

Xariga Tahliil oo kasoo jeeda dhalsho ahaan Koonfurta Magaalada Galkacayo ayaa sababey in qabiilkii uu ka dhashey afduub u gaystaan 4 qof kuwaasoo kasoo jeedey degaanada Puntland.

"Ehaladii dadkaas laga haystey ayaa dowlada Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole kala hadley in xabsiga laga sii daayo Tahliil balse waa ku gacansayrtey xukuumadii markaas talada haysey madaama ay fureyso wado cusub oo madax furasho ah Al-shabaab ah". sidaas waxaa yiri sarakaal sare oo ka tirsanaan jirey Xukuumadii Madaxweyne Farole.

Lama oga sababta looga sii daayey xabsiga magaalada Garowe xubnahaan ka tirsanaa ururkaan iyo qodobka loo cuskadey cafiskooda iyadoo wararku sheegayaan in amarka ka yimid madaxda sare ee Puntland.

Wasaarada amniga iyo dhamaan laamaha la shaqeeya ee Puntland ayaan weli ka hadlin sii daynta xubnahaan ka tirsanaa ururka Al-Shabaab kuwaasoo qalabkii lagu qabtey dhamaantood warbaahintu shaacisay March 3, 2013.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa dagaal kula jira buuraleyda Galgala kooxaha Al-Shabaab ee ku dhuumaleysta iyadoo dhowaan qarax la beegsadeen gaari Tekniko ah halkasoo ku dhinteen Sadex Askari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM