Xafiiska difaacaha xuquuqul Aadanaha Puntland oo ka hadlay arrinta VOA

Image

29, Octobar, 2015(GO)-Qoraal ka soo baxay xafiiska difaacaha xuquuqda Aadanaha Puntland, ayaa lagu dhaleeceeyay tallaabada lagu joojiyay shaqada VOA-du ka haysay deegaanada Puntland.

Hay'adda ayaa arrintaasi ku macnaysay mid aan waafaqsanayn xeerka, dastuurka Puntland iyo shuruucda caalamiga ah, iyadoo lagu tilmaamay inay liddi ku tahay xuquuqda hadalka bulshada.

Xafiiska, ayaa qoraalkiisa kaga codsaday dowladda Puntland in xayiraadda laga qaado, Idaacadda fadhigeedu yahay dalka Maraykanka, dhawrista shuruucda dalka iyo in xukuumaddu faragalinta ka dayso saxaafadda xorta ah.

Tan iyo markii wasaradda warfaafinta Puntland soo saartay 29 Octobar, 2015, qoraal lagu joojinayo shaqada Idaacadda laanta Afka Somaliga ee VOA,waxaa soo baxayay baaqyo kala duwan oo looga hadlay tallaabada dowladdu ku dhaqaaqday.

Hoos ka akhriso qoraalka uu saaray xafiiska u dooda xuquuqda Aadanaha Puntland ee fadhigiisu yahay magalada Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM