​Xal laga gaaray mudaharaadka Garowe

Image

GAROWE- Waxaa maanta mar kale ka dhacay magalada Garowe mudahaaraad looga soo horjeed sicir bararka ku yimi maciishadda iyo sarrifka lacagaha qalaad, wuxuuse ka duwan mid 04 bishan ka dhacay afaafka hore ee xarunta Barlamanka ee caasumadda Puntland.

Haweenka iibiya khudaarta iyo hillibka  ayaa saaka go'aan ku gaaray inay xiraan xarumahooda ganacsiga islamarkaana cabasho muujiyaan, muddose hadii ay socotay waxaa arrintaasi soo galay maamulka gobolka Nugal, iyagoo wadahadal la yeeshay dibad-baxayaasha madal ay goob joog ka ahaayeen waxgaradka iyo nabadoonno.

Shir iyo waraysi kadib waxaa la isku wafaqay in xarumaha dib loo furo islamarkaana maamulku dusha u rito in cabashadan wax laga qabto xukuumaddana loo gudbiyo.

Haweenkii mudahaaradayay qaybtood ayaa warbaahinta la hadlay waxayna cadeeyeen arrimaha laga wada hadlay wixii kasoo baxay, iyagoo sheegay in loo ballan qaaday wax ka qabashada arrintan islamarkaana sugayaan jawab dag dag ah.

Kor u kaca sarrifka doollarka ayaa kamid ah waxyaabaha xaaladda kiciyay islamarkaana keenayay inay danyartu maarayn weydo nolosha qoysaskooda wuxaana maanta $100 [Boqol dollar] lagu sarrifayay Labo Malyan iyo Shan boqol oo Kun Shilling Somalia, halka gacanta dambe marayso Labo Malyan iyo Lix Boqol.

Gudoomiyaha gobolka Nugal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa sheegay inay dadka cabanaya isku afgarteen in xarumihii la xiray dib loo furo islamarkaana dowladda loo gudbiyo cabashadan.

Intii banaanbaxo socotay waxaa jiray haween la xiray iyo kuwo la jir dilay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM