Xaq ma u leeyahay Xaabsade inuu u khudbadeeyo Barlamanka Puntland ?

Image

By: Siciid Samatar Surcad

Furitaankii kalfadhigii 34-aad ee Baarlamaanka Puntland oo maanta Oct 25, 2014 uu furay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi ayaa waxaa lagu Casumey inay kalmado ka jeediyaan dad badan oo ka mid ah marti sharaftii kasoo qeybgashay kulankaas, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Shiikh Max,ud Xaaji Yuusuf oo ku hadlay Magaca Culumiada, Duqa Caasimadda Puntland Cabdicasiis Nuur Cilmi, Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Puntland (MAP) Faysal Khaliif barre, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali iyo dad kale oo kala matalaayey PDRC, NDI,UNDP Puntland, Unsom Punltand, Qunsuliyadda Eithiopia, Ururadda aan dowliga ahayn PUNSAA, iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare.

Laakiin waxaa hal mar dareenkaygu is badalay markii loo yeeray Axmed Cabdi Xaabsade hadaladii uu yiri waxaa kamid ahaa: 

"Waxaa farxad weyn ii ah inaan kasoo qeyb galo furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka,Waxaan xasuusanayaa sidii aan u abuurray Baarlamaanka Puntland 1998 dii, wax yaabihii aan farray markii aan abuurray iyo waxyaabihii loo dhiibay waan ognahay maanta meesha ay marayaan, Waxaa ugu weynaa oo la faray ilaalinta nabadgel-yada,  hub ka dhigista iyo walaalaysiinta dadka reer Puntland".

"Maanta aan iswaydiino Arimahaas oo dhan meeshii ay ku danbeeyeen, Baarlamaanka ayaa ah wakiilka Shacabka isaga ayaa ku hadli kara codka shacabka, Arimihii loo diray baarlamaanka oo waliba ay ka mid ahayd in dalka la gaarsiiyo siyaasadda one man one vote waxba kama jiraan, dadkii waa kala firdheen, Tikniko ayaana la isu haystaa,Anigu waxaan ku jiraa dad odayaal ah oo ka shaqeynaaya sidii Gobollada SSC nabad looga sameyn lahaa Puntland-na loogu soo celin lahaa,caqabado badan ayaa jira, Baarlamaanku waa inuu soo saaraa Sharci Dowladuna waa inay fulisaa"

Waxaan ogahay in imaatinka iyo karaameynta Axmed Cabdi Xaabsade ee Puntland lagu kala aragti duwan yahay, waa wax dabiici ah in bulshada wanaagsani ay kala aragti duwanaanto,waxayna ka mid tahay waxyaabaha umadaha hormaray ay ku baraareen.

Waxaana ka mid ahay dadka aaminsan in Axmed Cabdi Xaabsade uu u dhashay Puntland, wax ka dhisay Puntland waxna ku biirayey isaguna wax badan ka faa'iday laakiin kadib markii uu danihiisa ka arki waayey uu dubbihiisa u qaatay sidii uu u dumin lahaa,wuxuu kartidiisii,aqoontiisii iyo wax kasta oo uu hanan karay kula shirkoobay cadow shisheeye, Puntland-na dhaawacii maalintaas soo gaaray wali kama soo waaqsan,wuxuuna ka dhigay sida anigu aan qabo ( Cadoow ama ku cuney ama ku ciideeyey).

Sidaas oo aan aamin-sahay hadana kama xummi inuu toobad keeno oo deegaankiisa iyo dalkiisii ku soo laabto,laakiin marna ma fileyn in dabaabado lagu soo dhaweeyo iyada oo aad moodo in la as-turayo khaladaadkii uu ka galay dadkiisa iyo deegaankiisa.

Aragtidaas aniga oo qaba ayaan hadana waxbadan xeeriyey oo aamus-naan u dhaqaaqay, Saaka markii uu soo galay hoolka golaha wakiilada waan yaabay,waxaana kale oo ka sii yaabay markii uu dhinaca ku qabtay Gudoomiyaha Baarlamaanka, ku-xigeenadiisa iyo waliba Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Aniga oo intaas la yaaban ayaa halmar makarafoonka looga dhawaaqay Axmed Cabdi Xaabsade, anigu waan sii yaabay waxaanse lasii yaabay markii aan isha ku dhuftay dad badan oo u holaday inay u sacbiyaan markii uu soo istaagay halka laga khudbeeyo.

Waxaan feker ku bilaabay waxa uu oran doono oo uu maanta u soo bandhigi doono shacabka reer Puntland oo ay saameynta weyn ku yeelatay siyaasaddii uu asagu hogaaminaayey isla markaana uu hortooda taagan yahay wakiiladdii matalayey.

Waxaan is iri ma baaq Toobad keen ah oo uu cafis kaga dalbanaayo ayuu u dirayaa Shacabka Puntland?.

Ma is bari yeelayaa oo wuxuu oran doonaa waxaas iyo waxaas ma aanan sameyn si uu u qanciyo dadka anigu aan ku jiro oo aaminsan inuu khaladaad waa weyn ka galay shacabka iyo deegaankiisa?.

Waxaan soo dhaweystay Computerkayga si aan u qoro erayada uu maanta oran doono Axmed Cabdi Xaabsade.

Waxaa ii soo baxay wax aanan marna fileyn oo ah inuu canaan dusha kala dhaco xubnaha Golaha Wakiiladda oo uu ku eedeeyey inaysan qabsan oo ka gaabiyeen howshii loo igmaday oo anigu aan u fahmay in deegaanka uu ka hadlayo uu yahay kan asagu uu kasoo jeedo ee Gobolladda SSC.

Hadaba Axmed Cabdi Xaabsade xagee u socdaa?, muxuu yahay yoolkiisa siyaasadeed?, ma fiicnaan lahayd inta uusan oran shacabka Puntland ayaan u shaqeynayaa oo nabadeynayaa, isla markaana kusoo celinayaa Puntland in asagu uu cafis ka dalbado shacabka Puntland?,

Ma saxbaa erayada aan marar badan maqlo oo ah, hala iska ilaaliyo erayada xanafta leh,oo aan u qaatay in runta laga leex leexdo?.

Dhamaan jawaabaha su'aalahan iyo kuwa kale oo badan oo ku saabsan Axmed Cabdi Xaabsade Waxaan u daynayaa Akhristayaasha Sharafta leh.

Tani waa Aragtidayda, waana qadarinayaa aragtidaadu hadii ay khilaafto tayda, taada Adaa leh taydana kuma khasbanid hadii aad qabto mid kale, wax dummin iyo inaan cid mucaaradayo midna igama ah ee waxaan ula jeedaa Toosin iyo Tilmaamid.


W/Q:- Said Abdi Samatar

Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga Siyaasadda,Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Baarlamaanka Puntland.

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM